WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Waxaa booqasho ku tagey dalka somali galbeed m/weynaha Puntland c/raxmaan sh maxame “faroole” isagoo casumaad rasmi ah ka heley madaxweynaha dalka somali galbeed Mudane cabdi maxamed ismaciil iyadoo ay tahey markii ugu horeysey ee m/weyne soomaaliyeed uu dalkiisa ku casumo walaalkisa somaaliyeed waxaana amaan iyo bogaadin laga sidey shacabka puntland loo gudbiyey m/weynaha somali galbeeb iyo shacabka reer Soomaali galbeed.
Waxaa m/weyne faroole lagu soo wareejiyey goobo badan oo ay ka mid tahey jaamacadda jigjiga oo dhigtaan ardey reer puntland ah oo hore ay deeq u siisey dawlada s/galbeed oo aad moodo hadda in ay ku talaabsaneyso dhinacyo badan oo horumar dhanka adeega bulshada ah.
Wey fiicnaan laheyd in somaalida kala tagtey ku deydaan labadan mas’uul ayna
somalidu is qadariso si shucuubta soomaaliyeed isu jeclaadaana ay madaxda somali qeybaheedu ka fekeraan sidii leysugu soo dhaweyn lahaa soomaalida koonfure iyo s/land, NFD, Jabuuti iyo Somali dhamaanteed meel ay joogaanba iyadoo ay ku taliyeen khuburo somaali ahi in la sameeyo tartano sport iyo ciyaaraha fudud oo somaalida u gaar ah shanta somaaliyed oo aayahooda ka tashada iyagoo qadarin isu haya waxey somaalidu noqon laheyd iftiin aan dameyn oo geeska afrika kasoo ifbaxa ayuu yiri odey da’ ah oo warbaahinta warsom u waramayey isagoo muqdisho ku sugan.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Jigjiga,Soomali Galbeed