Madaxweynaha Maamul Gobaleedka puntland oo Hishiis La Galay Dowlada Is maamulka Soomaali Galbeed.

0
565

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Madaxweynaha Maamul gobaleedka Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Faroole) ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowladda Deegaanka Somalida ee dalkaEthiopia, iyadoo uu kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda Dowladda Deegaanka Somalida (DDS) ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) oo ay Madaxweyne Faroole kasoo wada duuleen magaaladaAddis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia maalintii Jimcaha ee 15kii June 2012, iyadooMadaxdaasi iyo Wufuudii la socotay si weyn loogu soo dhaweeyey MagaaladaJigjiga, waxaana soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta DDS, Bulshada rayidka ah iyo saxaafadda.

Wafdiga Dowladda Puntland oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Faroole ayna ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. CabdullahiAhmed Jamac (Ilkajir) iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa waxaa loo bandhigay xaflad-sharaf oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Maalmihii ay Wafdiga Dowladda Puntland ku sugnaayeen Magaalada Jigjiga ayaa waxaa u qabsoomay howlo muhiim ah, iyadoo Mas’uuliyiinta DDS ay soo bandhigeen warbixin ku saabsan qaabka uu maamulkoodu u shaqeeyo, mashaariicda horumarineed sida biyaha, waddooyinka iyo korontada ee ka socda deegaannada ay maamusho DDS, iyo xiriirka wada shaqayn ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Ethiopia iyo DowladdaDeegaanka Somalida ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Dowladda Puntland eeSomalia Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Faroole) ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowladda Deegaanka Somalida ee dalkaEthiopia, iyadoo uu kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda Dowladda DeegaankaSomalida (DDS) ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) oo ay Madaxweyne Faroole kasoo wada duuleen magaaladaAddis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia maalintii Jimcaha ee 15kii June 2012, iyadooMadaxdaasi iyo Wufuudii la socotay si weyn loogu soo dhaweeyey MagaaladaJigjiga, waxaana soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta DDS, Bulshada rayidka ah iyo saxaafadda.

Wafdiga Dowladda Puntland oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Faroole ayna ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. CabdullahiAhmed Jamac (Ilkajir) iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa waxaa loo bandhigay xaflad-sharaf oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Maalmihii ay Wafdiga Dowladda Puntland ku sugnaayeen Magaalada Jigjiga ayaa waxaa u qabsoomay howlo muhiim ah, iyadoo Mas’uuliyiinta DDS ay soo bandhigeen warbixin ku saabsan qaabka uu maamulkoodu u shaqeeyo, mashaariicda horumarineed sida biyaha, waddooyinka iyo korontada ee ka socda deegaannada ay maamusho DDS, iyo xiriirka wada shaqayn ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Ethiopia iyo DowladdaDeegaanka Somalida ee dalka Ethiopia.

Safarkii Wafdiga Dowladda Puntland uu hoggaaminayey Madaxweyne Dr. Cabdiraxman Faroole ayaa guul ku soo dhammaaday iyadoo la filayo in si weyn loo dardargalin doono xiriirka wada shaqayneed ee arrimaha amniga iyo ganacsiga ee ka dhaxeeyaa Puntland iyo DDS.

WafdigaPuntland ayaa maalintii Talaadada ee 19kii June 2012 gaaray magaalada Nairobi eexarunta dalka Kenya, halkasoo uu ka furmay Shirkii Madaxda Soomaalida ee la xiriiray Geedi socodka (Roadmap-ka) sida arrimaha ansixinta Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaystirka xilliga ku meel gaarka ah, si dalka Soomaaliya u helo Dowlad rasmi ah.

Xafiiska Warqabadka warsom.com
Muqdisho,Somaliya.