Madaxweynaha maamulka soomaliland ayaa qeyla dhaan ka muujiyay abaaro ku dhuftay qeyba ka mida deegaanada maamulka soomaaliland.
Axmed siilanyo oo ah madaxweynaha maamulka soomaliland ayaa waxa uusheegay in hada xaalado nolol xumo ay heysato qoysas aad ufara badan.
Madaxweynaha soomaaliland ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ay u gurmadeen shacabka soomaaliyeed mftayarkii ay abaaraha ku dhufteen koonfurta soomaaliya.waxa uuna sheegay in hada ay qorshaha ugu jirto sidii ay shacabka walaalaha ay yihiin ay ugudbin lahaayeen abaaraha ku dhuftay qeyba ka kida soomaaliland.
Socdaal wada jir ah oo ay deegaano dhowr ah ku marayeen wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka soomaaliland axmed maxamed maxamuud siilanyo oo ay ku wehliyaan qaar ka tirsan wasiirada maamulkaasi ayaa waxa ay sheegen in ay deegaano dhowr ah ku soo arkeen xaalad macluul aad u baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadii ay wada booqdeen.
Shacabka ku dhaqan maamulka soomaaliland ayaa hada waxa ay sugayaan gargaar bani aadmi nimo oo ay ka helaan shacabka soomaaliyees ee dhawaan ka soo kabsaday dhibta abaaraha ee ku dhufatay soomaali aad ufara badn oo ku dhaqnaa gobolada koonfureed ee soomaaliya.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.