Maamulka Magaalada Baladweyn oo Ciidanka Amaanka Ka saaray Gudaha magaalada

0
581

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Maamulka gobolka hiiran ee DKMG ah ee soomaliya ayaa gudaha magaalada baladweyn ee xarunta u ah gobolka Hiiran ka saaray ciidanka amaanka qeybtana ka ahaa ciidankii in badan isku maandhaafi jiray gudaha magaalada.

 

Inkastoo aan la ogeyn waxa hada sababay in magaalada Baladweyn laga saarro Ciidanka TFG da ayaa hadana waxaa wararka laga helayo magaalada baladweyn waxay ku waramayaan in.

 

Deeganada hada ciidanka soomaalida laga saaray  la sheegaya in la doonayo in la dejiyo ciidanka midowga africa ee ka socda dalalka yaboohda ciidanka siiyay DKMG ah ee soomaliya.

 

Sida ay ku waramayaan saxaafada ka howlgasha magaalada baladwey ayaa waxay soo sheegayaan in daagulida ciidanka ay saakay ka bilaabatay gudaha magaalada baladweyn  loona qaaday duleedada magaalada halka deegaanadii ay kalhore ay ku sugnayeen ciidanka soomaalida la doonayo in ay degaan ciidanka ka socda dowlada Jibuti.

 

Ma jirto waxwar ah oo ka soo ifbaxay saraakiisha amaanka ee goolka gaar ahaan kuwooda magaalada hiiran oo ku aadan ka saarista ciidanka maamulka DKMG ah ee soomaaliya.

 

Mar saxafiyiinta magaalada baladweyn ku sugan wax laga weydiyay in muumulka ay isku raacsan yihiin ayaa wxay sheegen in maamulka oo udhan ay ciidanka ka saaren magaalada isla markaana aanay jirin wax qilaaf ah o udhexeya maamulka.

 

Xafiiska warqabadka warsom.om

muqdisho,somaliya