
WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Ciidanka maamulka degmada xamar jajab Gobolka Banaadir ee DKMG ah soomaliya ayaa gacanta ku soo dhigay gabadh la shegay in ay ka danbeyssay dhaawacii xalay fiidkii gudaha degmadaasi xamar jajab loogu geestay wariiye maxamed nuur shariifka oo ah wariiye radio barkulan uga hadla magaalada muqdisho.
Sida uu manta warbaahinta usheegay Gudoomiyaha maamulka degmada xamarjajab Maxamed Cali Axmed soo qabashada gabadhani ayaa waxa ay ka danbeysay ka dib howlgallo ay ciidanka degmada ay xalay ilaa iyo saakay ay ka wadeen gudaha degmada falka dhaawaca loogu geestay ee xamar jajab .
Gudoomiyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in ka hor inta aanay gacanta ku soo dhigin ay ciidanka amaanka ee degmada in ay gacan ku soo dhigen ilaa iyo saddex ruux oo la sheegay in ay ahaayen rag loo maleyay in ay wax kala socden dhaawaca loo geestay wariye maxamed nuur shariifka.
Hase ahaatee xoga dheerad ah ay ka Helen ragii ay ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen oo ah in gabadha la soo qabtay in ay ka danbeyso.
Maamulka degmada xamarjajab waxa ay intaasi ku dareen in gabadha ay ugudbinayaan ciidanka danbi barista ee CID da hadii lagu hello danbiga lagu soo qabtayana waxay la kulmi doontaa ciqaab ku aadan falalka ay ku kacday sida ay hadalka udhigen .
Wariiye maxamed shariifka ayaa waxa ay wararku sheegayaan in xiliga falka dhaawaca lagula dhaqaaqayay in uu kazoo baxay xarunta TVga Horn Cable uu ku leeyahay degmada xamarjajab ee gobolka banaadir kaasi oo ku sii jeeday hoyga uu ka degan yahay isla gudaha degmadaasi.
Xafiiska wareqabadka warsom.com
Muqdisho.somaliya