Kulankii Maanta Qaadhaan Ururinta Dadka Abaaraha Iyo Gaajada Baahsani Ku Habsatay Ee Galbeedka Gobolada Awdal/Selel Oo Raashin Iyo Lacag Wanaagsan Loo Ururiyay Lana Filayo In Dhawaan La Gaadhsiiyo‏

0
494

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Kulan balaadhan oo ay maanta iskugu yimaadeen bulshada kala duwan ee ku dhaqan magaalada Boorama ayaa ka qabsoomay Hotel Maana Ee Magaalada Boorama,kulankan oo ahaa mid qaadhaan lacageed iyo mid raashineed loogu ururinayay kumanaanka kun ee ay baahida iyo abaaruhu ku halakeeyeen waqooyiga Gobolada Awdal/Selel dhinaca xeebaha.

Kulan oo ahaa mid sidii loo qorsheeyay u qabsoomay ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin heer qaran ,heer Gobol Iyo heer Degmo, salaadiin ,cuqaal ,indheer,ganacsato iyo haween waxa uuna qof walba yaboohay wax ala wixii karaamkiisa.

Gabo gabadii kulan ayaa waxaa saacado yar gudohood lagu ururiyay lacag kor u dhaafaysa Todobaatan Kun oo Doolarka Maraykanka iyo Kun Kiish Oo raashina una dhigmaysa markii la qiimeeyay in ka badan dhawr iyo labaatan kun oo doolarka maraykanka ah.

Si kastaba ha ahaatee kulankii maanta ayaa waxa uu ku soo gabogaboobay waji wanaagsan oo ay soo dhaweeyeen dadwayne badan oo ku nool Guud ahaan Gobolada Awdal/Selel kuwaas oo u dhugtaagayay waxa ka soo bixi doona kulan
maanta qabsoomay oo ay salaadiinta iyo cuqaasha gobolada Awdal/Selel horey u yaboohiyiin qabsoomidiisa waxaana la odhan karaa waxa uu noqday mid midho badan dhalay.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land.