Koox Suxufiyiin Oo Kaka la Yimiday Gobolada Sool,Puntland Iyo Gobolka Hiiraan Una Socday Hargeysa Oo ay Ciidamada Soomaaliland Xabsiga U Taxaabeen.

0
552

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wararka Naga Soo Gaaraya Degmada Laascaanood Ee Goblka Sool Ayaa SHeegaya In Ciidamada Amaanka Ee Soomaaliland Ay Xabsiga DHigeen Tiro Wariyayaal ah Oo ka Qeyb Gali Lahaa Tababar Lagu Qabanayey Magaalada Hargeysa,

Taliyaha Qeybta Booliska Ahna Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Ismaaciil”Cali Qase”Oo Saxaafada Lahadlay Ayaa SHeegay In Suxufiyiinta La Xidhay Aysan Qaadanin Fasax ay Kaga QeybgalayaanTababar Ka DHacaya Xarunta Soomaaliland ee Hargeysa,

Mar La Weydiiyey in ay Sii Deynayaan Suxufiyiinta Waxa uu Yiri”Haa Waan Sii Deynaynaa Waa Laakiin Haddii ay Dib ugu Noqonayaan Magaalooyinkii ay Markii Hore Kayi Maadeen.

wariyayasha ayaa markii hore waxa ay Kakala yimaadeen boosaaso,gaalkacyo iyo Baledweyne oo ka kala tirsan Gobolada Bari,Mudug,Iyo Hiiraan.

Suxufiyiintan ayaa lagu Eedeeyey in aysan Maamulka Soomaaliland ee Gobolka Sool ka Qaadan fasax ay ku tagi karaan Gudaha Deegaanada Soomaaliland.

Saxafiyiinta la xidhay ayaa ka la ah “,Axmed Siciid Cali Idaacadda Nation Ee Boosaaso”Yaasiin Cali Idaacadda Daljir Ee Gaalkacyo”Iyo Ciise Cabdi Ciise oo u Shaqeeya Idaacada Codka Hiiraan ee Magaalada Baladweyne Ma, aha Markii ugu Horeysay ee Saxafiyiin lagu Xidho Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool,Waxaana Ilaa hada lasoo Sheegayaa in Saddexda Saxafi oo Xidhan aan loo Geysan Wax Jirdil ah Balse ay ku Xidhan yihiin Xabsiga Laascaanood.Mana Jirto Faahfaahin Dheeraad ah oo ay Ciidamada Booliska Soomaaliland ee Gobolka Sool ka Bixiyeen Sababta ay Xabsiga ugu Taxaabeen Wariyayaasha,Marka laga Reebo in aysan Haysan Fasax ay ugu Gudbaan Dhankaan Deegaanada Soomaaliland,

Xafiiska Warqabadka Warsom.com