Iska hor imaad dhaliyay dhimasha iyo dhaawac oo manta degmada hodan ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DKMD Soomaaliya

0
534


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Laba qof ayaa ku dhimatay mid kalana waa uu ku dhaawacmay iska hor imaad manta ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DKMG soomaaliya xaafada warshada caanaha ee degmada hodan gobolka banaadir.

Iska hor imaadkani ayaa ka danbeeyay isfahamwaa soo kala dhex galay ciidankani ka wada tirsan dowlada TFG da kuwaasi oo isku maan dhaafay mehrad ganacsi oo ku taal xaafada dagaalka uu ka dacay.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay yihiin dad rayid ah oo ka agdhawaa goobta israsaaseynta ay ku dhexmartay askartani ka tirsan ciidanka dowlada soomaaliya.

Waxaa in badan saraakiisha amaanka ee soomaliya ay ku celceliyeen in ay wax ka qaban doonan xaaladaha la xiriira falka manta ka dhacay degmada hodan eek u aadan israsaaseynta dadka rayidka ah ay ku wax yeeloobayaan waloo aanay jirin dadka dhintay cid udooda xaqa ay uleeyihiin in ay helaan cadaalad xili ay ciidamda israsaaseyay ay ka amar qaatan dowlada federalka KMG soomaaliya.

Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.