Gudoomiyaha G/Sh/Hoose C/qaadir maxamed nuur siidi Oo ka hadlay Deegano ay Ciidanka DKMG soomaaliya shalay ay la wareegen

0
633

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Gudoomiyaha gobolka shabellaha hoose  ee dowlada KMG soomaaliya cabdulqaadir maxamed nuur siidii ayaa waxa uu sheegay in ay la wareegen fariisamo cusub oo ay hore ugu sugnaayeen ciidamo taabacsan xarakada alshabaab ee gobolka sh.hoose.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in ay la wareegen gacan ku heynta deegaanada cadow diwile,jambaluul,baldul amiin,iyo deeganka muuri oo ka wada tirsan gobolka shabellaha hoose.

Deeganada ay maalintii shalay ay la wareegen ciidanka dowlada KMG soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa ay kula wareegen si deganaan ah oo aanay jirin dagaal ay kala kulmeen ciidankii xarakada alshabaab ee hore ugu sugnaa deganada ay la wareegen ciidamada isbiirsanaya.

Ciidanka dowlada KMG soomaaliya ayaa waxa ay maal mahii danbe ay la wareegayen deegano dhowr ah oo ay ka talin jirtay xarakada alshabaab waloo deegaanadii ay dhawaan la wareegen ciidanka dowlada soomaaliya laga soo sheegayo in dadka rayidka ah ay la kulmayan dhac baahsan oo ay kula ka can ciidanka dadka shacabka ah eek u dhaqan deeganada xarakada alshabaab lagala wareegay.

Xafiiska warqabadka warsom.com

Muqdisho,somaliya.