WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa C/Rashiid Maxamed Maxamuudn (Duraan) ayaa saaka waabarigii ay dabley hubaysani rasaas ay ku fureen uu dhaawac ka soo gaadhay.
Guddoomiyaha ayaa markii uu ka soo baxay salaaddii Subax oo uu ku tukaday Masaajid ku yaala xaafadda New Hargeysa ee degmadda Gacan-libaax ayaa niman hubaysani rasaas ku fureen waxaana xabadi kaga dhacday daanka (canka) oo ay jiidhaysay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxa xiligan lagu dawaynayaa cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Gar-gaar ee magaaladda Hargeysa, waxaana la sheegay in xaaladiisu aad u wanaagsan tahay.
Ma jiro cid illaa imika loo qabtay dhacdadan, waxase la sheegay inay Ciidanka Boolisku ku dabo- jiraan tuhuno ay qabeen.
Falkan ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa uu xukumay masuuliyiintii hore uga tirsanaa xukuumadda ee loo xidhay eedihii musuq-maasuqii Raashinkii mucaawimadda ahaa.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land