WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan ay Maxkamad soo taagi doonaan Sarkaal dhawaan loo magacaabay in uu gudoomiye dowladeed ka noqdo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Xili uu lahadlayay qaar kamid ah saxaafadda Muqdisho ayaa Yacquub Maxamed Cali Madaxa amniga Degmada Matabaan ee Ururka Ahlu sunna waxaa uu sheegay in sarkaalkaas uu xabsi ku xiran yahay maxkamadna lasoo saari doono.
Maxamed Warsame Xirsi oo ah Sarkaalka la xiray ayaa waxaa degmadaas Gudoomiye uga dhigay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowlada KMG.
‘Ahlu Sunna ayaa gacanta ku haysa Matabaan ma ahan TFG, gudoomiyana kama noqon karo qof aan Ahlu Sunna ama dadka deegaanka ahayn’ayuu sheegay Madaxa amniga Matabaan.
“Dhawaan ayaa Maxkamad lasoo saari doonaa Maxamed Warsame Xirsi si loogu qaado danbigiisa”ayuu sheegay Sarkaalkan Ahlu Sunna Waljamaaca katirsan.
Maamulka dowlada ee Hiiraan kama aysan hadlin xariga sarkaalkan loo gaystay maadaama ay iyaga magaaladaas umagacabeen.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com