WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Guddida caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta dunida (Committee to protect journalist) oo ah Ururka ugu weyn dunida ee ilaaliya xuquuqda suxufiyiinta ayaa baaq ay shallay ka soo saareen magaalada Washington waxay usoo jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inuu soo afjaro waxay ku tilmaameen cabudhinta, cagajuglaynta iyo xadhiga lagula kaco suxufiyiinta Somaliland
Joe Simon Madaxa CPJ Oo Shirka Jaraa’id Ka Hadlaya Washington Dc
Qoraal laba bog ka kooban oo CPJ u diray Madaxweyne Siilaanyo isla markaana nuqulo ka mid ah loo kala diray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe, Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, Axmed Maxamed Kijandhe Guddoomiyaha guddi hoosaadka golaha wakiiladda u qaabilsan arrimaha bulshada diinta iyo
toosinta hawlaha qarranka, Dr. Sacad Sheekh Cismaan Nuur Wakiilka Somaliland ee dalka maraykanka, Georges-Marc André Madaxa Xafiiska Midawga Yurub ee Soomaaliya, Johnnie Carson Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda dalka maraykanka Afrika, Matt Baugh Safiirka Britain ee Soomaaliya, Joost Reintjes Safiirka dalka Holland ee Soomaaliya, Jöran Bjällerstedt Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya, Augustina Mahiga Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, Michael Croft Xidhiidhiyaha gobolka ee haayadda UNESCO.
Haddaba qoraalkaasi ayaa Booramaonline idiin soo turjuntay isagoo afka ingiriisiga ku qora waxaana uu u dhigna sidani:-
“Waxaanu Qoraalkani Madaxweyne kugu soo qoray si aanu kugu wergelino dareenkayga ku saabsan xaaladda ka sii darraysa ee qallafsan ee ay ku suganyahiin Suxufiyiinta madaxa bannaan ee Somaliland, Guddida caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda Suxufiyiintu waxay ilaa hadda diiwan-geliyeen 58 kiis oo ay Xukuumadaadu ku xidh-xidhay suxufiyiin hawshoodii gudanaya ilaa bilawgii sannadkani aynu ku jiro.
Waxaanu Madaxweyne si adag ugu baaqayna inaad awoodaada Madaxweyne ee qarranku ku doortay aad ku joojisid tacadiyadda, cabudhinta, xadhiga, cag-juglaynta iyo dhibaatada lagu hayo suxufiyiinta, waxaanu Madaxweyne ku xasuusinayna isla markaana kuu soo jeedinayna inaad ka dhabayso oo aad qiimayso ballan-qaadyadaadii sannadkii 2010-kii markaad ololaha doorashada ku jirtay ahaa inaad ixtiraami doonto oo aad qadarin doonto xorriyadda saxaafadda.
Muddo todobaad ah oo Guddi ka socotay CPJ ay booqasho ku tagtay dalkaaga (Somaliland) bishii April waxaanu diiwan-gelinay todobaadkaasi gudahii xadhig iyo tacadi lagu sameeyey suxufiyiin ka hawl-gallaayey Wergeysyada Yool,Ogaal iyo Telefishanka Royal TV, seddexdani Kiis Hogaamiye waxay qayb ka yahiin tacadiga iyo cabudhinta baaxadda leh ee Xukuumadaadu ay ku hayso Suxufiyiinta iyadoo aanay weliba xadhiga lagula kaco aan lagu soo oogin wax danbi ah oo ay galleen iyadoo looga dan leeyahay in lagaga hor joogsado inaanay saxaafaddu ka waramin ama soo bandhigin arrimaha xasaasiga ah.
Madaxweyne kiisaska ugu yar ee lagu oogay suxufiyiinta madaxa bannaan ee Somaliland waxaa lagu qaaday kiisas danbi halkii ay ahayd in lagu soo oogo kiisas rayid ah sida dastuurka Somaliland dhigayo sida aanu xogtani ka soo xiganay ururka qareenadda Somaliland, waxyaabaha naxdinta leh Madaxweyne waxaa ka mid ah iyadoo xukunadda lagu fuliyo Suxufiyiintaasi ay yahiin qaar kooban balse looga dan leeyahay in lagu cabsi geliyo intay xabsiga ku jiraana loogu henjabo in tacadi lagu samayn doono si baqdin loo geliyo inaanay hawlahooda qabsanin oo ay ka aamusaan.
Madaxweyne sida naloo xaqiijiyey bishii February ee sannadkani waxaa ciidamadda Booliiska gobolka Awdal ay garaaceen oo ay jidh-dil ku sameeyeen Maxamed Cabdiraxmaan oo ka hawl-galla mid ka mid ah shabakadaha internetka ee Somaliland falkaasi lagula kacay Maxamed wuxuu keenay in Maxamed xaaladiisa caafimaad laga dayriyo isla markaana uu dalka dibadiisa u doonto dhakhaatiir dawaysa xaaladiisa caafimaad, falkaasi ay Booliisku kula kaceen Maxamed ma jirto cid loo qabtay iyo cid danbigaasi lagu soo oogay midna toona.
Waxaanu Madaxweyne si adag kuugu soo jeedinayna in kiiskaasi si madax bannaan loo baadho si loo ogaado ciddii falkaasi foosha xun kula kacday Weriye Maxamed Cabdiraxmaan.
Anagoo Madaxweyne ka war-qabna kana welwelsan tacadiyadda ay Xukuumadaadu kula kacayso suxufiyiinta Somaliland waxaanu dhinaca kale ku xasuusinayna ballan-qaadkii aad samaysay in sannadkani miisaaniyadda lagu soo dari doono kharashyo loo qoondaynaayo haayadaha madaxa bannaan, waxaanu sidoo kale Madaxweyne ku xasuusinayna ballan-qaadkii aad shacabkaaga u samaysay markaad tartanka doorashada ku jirtay ee ahaa in la furi doono Idaacado gaar ah haddii aad tallada ku guulaysato inaad ka dhabayso.
Madaxweyne doorashadii cadaaladda ahayd ee ay shacabka dalkaagu kugu siiyeen codka si xor oo xallaal ah waxay ka turjumaysay baahi ay dadku u qabaan inay hellaan dimuqraadiyad dhamaystiran oo aan dheeli ku jirin, waxaanu Madaxweyne si adag baaq kuugu soo jeedinayna oo CPJ kaa codsanaya in Suxufiyiinta madaxa bannaan ee Somaliland loo ogolaado inay si xor ah hawlahooda u qabsadaa iyagoon cabsi iyo cagajuglayn ka hor iman waana inaad ka dhabayso ballamahaagii”
Warsaxafadeedka waxaa ku saxeexna Guddoomiyaha Guddida ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta CPJ Mr Joel Simon. Akhri iyadoo English ah
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land.