WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Gawaadhi qoryo saaran yihiin ayaa lagu arkay tuulad xagal ee gobolka saaxil, gaawaadhidan oo ay saaran yihiin ciidan beelaysan, ayaa waxaa si lama filaana tuuladaasi loogu arkay iyagoo goobtaasina saldhig ka sameystay. Hadaba, ciidamada beelaysan oo la diyaariyey inay gobolaka saaxil nabad galyo daro galiyaan, ayaa waxay mamulka iyo odayaasha gobolka saaxil ogaadeen ayaamo ka bacdi ka dib markay soo sheegeen dad reer miyi ahi oo meelahaa ka dhawdhawi.
hadaba ciidan beeleedkan iyo gawadhidooda ayaa la garanayn cida ka danbeysa iyo cida ay soo abaabushay iyadoo loo maleynayo niman hiil u aha ninka lagu magacaabo dahabshiil oo dhawaan muran ka dhaxeeyay odyaasha deegaanka iyo
ganacsatadii warshada sibidhka ruqsad uhaysatay.
Warkaas oo sir hoose aanku helay ayaa ilaa hada cid ka hadashay aanay jirin lakin odyaasha iyo madaxda gobolku way ogaadeen nimankaa iyo gawaadhidoodiina waxaa la faray inay halkay ka yimaadeen ku noqdaan.
Berbera waxaan oo kale waxay ka dhaceen mar hore iyadoo beesha deegaanka ah lagu soo duulay 1992kii, kabacdina ay iska caabin ay ku sameysay iyadoo kana saartay cidii ku soo duushay magalada.
Waxaa iyana isu dayay cida haatan gawaadhida qoruyuhu saaran yihiin soo saartay ka mid ahaa, oo ciidan soo dul dhigtay markaa ka bacdina loogu hanjaba haday qaadin ciidankaa magalad dushiisa in dagaalkii hore udhacay oo kale dhici doono.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land