Dowladda KMG ah oo soo dhoweysay hadalkii Ka Soo Yeeray Dowlada Mareykanka ee ku aadanaa lacagihii ay duldhigeen Xarakada Alshabab.

0
536


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Dowladda Mareykanka ayaa maanta ku dhawaaqday abaalmarin ay ku bixin doonto madaxda ururka argagixisada ee Al Shabaab oo runtii noqneysa mid caawin doonta dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in ay ku soo afjarto nidaamkii argagixisada Al Qaacida ee ka jiray Soomaaliya. Maadaama uu yahay hogaankii taliska argagixisada, Axmed Cabdi Godane wuxuu masuul ka ahaa dilka dad rayid ah iyo weeraro ay Shabaab u geysatay dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqyadii milatariga ee ugu danbeeyay, dowladda Soomaaliya waxay gacanta ku dhigtay xarumo muhiim ah, sida degmada Afgooye, oo ay Shabaab kasoo maleegi jirtay weerarada qorsheysan oo ay ka fulin jirtay caasimada Muqdisho. Magaalada Afgooye waxay Shabaab ku weysay ilo dhaqaale oo hakad galiyay howlgaladii argagixiso oo ay koonfurta Soomaaliya ka fulin jirtay.

Tilaabadan ay qaaday dowladda Mareykanka oo yabooheysa 33 milyan oo dollar ayaa ah mid muhiim ah taas oo abuureysa dhiirigalin, una diideysa hogaanka Shabaab meel ay gabbaad ka dhigtaan ama uga baxsadaan cadaaladda sugeysa. Xubnaha Shabaab waxaa haatan soo foodsaartay cadaadis badan maadaama ay ciidanka dowladda weerar is dabajoob ah ku hayaan si looga sifeeyo meelaha kooban oo ay wali dalka kaga harsan yihiin.

Maanta Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad taariikhi ah, iyadoo ay muuqato suuragalnimada in dalka uu si buuxdo uga soo kabsado sanadihii lasoo maray ee dagaalka iyo fowdada. Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka in ay sii wadaan dadaalka lagu taageerayo hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay ka guuleysato argagixisada Al Qaacida, kuwaas oo lagu jabiyay taageeradii shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa cad in dowladda Soomaaliya ay isbadalo badan ka sameysay meelo dhowr ah, oo ay ka mid tahay amniga, dowlad-wanaaga iyo go’aankii ahaa in lagu dhaqan galiyo heshiiskii taabagelinta Roadmap-ka ee lagu soo afjarayay mudada kumeel-gaarka. Si looga faa’iideysto horumarka la gaaray, dowladda Soomaaliya waxa ka go’an in ay magaalada Kismaayo mar dhow gacanta kusoo dhigto.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.