Dowladda Kenya oo maanta maxkamad saartay Nin u dhashay dalka Switzerland oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa ururka Al Shabab.

0
467

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Maxkamad ku taallo dalka Kenya ayaa maanta lasoo taagay nin u dhashay dalka Switzerland kaas oo ay
dowladda sheegtay inuu xubin ka ahaa ururka Al Shabab ee ka dagaalama gudaha Somalia.

Ninkaan oo lagu magacaabo Magdi Najjar ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidanka amaanka Kenya xilli uu ku sugnaa magaalada Neyroobi halkaas oo la sheegay inuu kuso galay si sharci darro ah isagoo maanta lasoo taagay maxkamad.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Magd Najjar uu falal dambiyeedyo ka geystay magaalooyin ku yaallo Kenya isla markaasna ay ku dhinteen muwaadiniin dalkaas ah.

“Qaadista dacwadda Magd Najjar ayaa mar kael laysugu soo laaban doona labada bisha soo aadan ee july sidaas waxa warbaahinta u sheegay Edna Khaemba oo ah Garyaqaanka difaacayay ninkaas.

Dowladda Kenya ayaa baadi goob ugu jirta rag ajaanib ah oo xiriir la leh ururka AL Shabab waxaana ay kasoo kala jeedaan Eedeysanaayasha lagu raad joogo dalalka Ingiriiska,Jarmalka iyo Turkiga.

Tan iyo markii ciidanka dowladda Kenya ay soo galeen gudaha Somalia si ay ula dagalamaan AL Shabab waxana ay kala wareegeen magaalooyin muhiim ah oo horey ay gacanta ugu jiray ururkaas.

Waaxda la dagaalanka Argagixisada Kenya ayaa todobaadkaan soo saaray digniino sheegaya in Al Shabab ay weeraro ku qaadi rabaan meelo ka mid ah Kenya iyadoo amaanka si weyn loo adkeeyay dalkaas.