Diyaarado Ku Asteesan Calanka Dalka Kenya oo Duqeymo Ka Geystay Qooqaani iyo Afmadoob.

0
604

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wararka Inaga Soo Gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa waxa ay Tibaaxayaan in habiinkii xalay ahaa uu halkaasi ka dhacay dagaal leeysku miray iyo madaafiic cul culus oo ka dhaceen degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani, kadib markii Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada Huwanta ee isbaheysiga kenya iyo dawladda Soomaaliyeed.

Goobjooge ku sugan Afmadow ayaa sheegay in xalay fiidkii ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay gantaallo ku tuureen saldhigyo ay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ku lahaayeen duleedka Afmadow, waxayna taasi keentay in Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay magaalada kusoo qaadeen weerar madaafiic ah, kaasoo socday mudo saacad ku dhowaad.

weerar kan lamid ah ayaa waxaa uu hoaray uga dhacay deegaanka Qooqaani, iyadoo la sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Kenya ay ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal aad culus oo la isku adeegsaday hub ka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa uu sheegay in weerarradii xalay ay ahaayeen kuwo aan sidaa u sii weyneyn, wuxuuna xusay in ciidamadii weerarka soo qaaday ay dib isaga caabiyeen, isagoo intaa ku daray in uusan jirin wax khasaare ah oo dhainacooda ay dareemayaan..

Ilaa imika lama garanayo khasaaraha kala gaaray labada dhinac maadaama halka uu dagaalka ka dhacay ay tahay dhul howd ah, mana jiraan masuulyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo faahfaahin ka bixisay weerarradii xalay ka dhacay degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose.

Dhanka kale, diyaaradaha Kenya ayaa la sheegay in ay duqeymo xooggan ka geysteen deegaan lagu magacaabo Far-Shaqeel oo hoostaga degmada Bu’aale, halkaasoo diyaaraduhu ay dhowr gantaal ku garaaceen, waxaana ilaa imika la garaneyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

halka ay diyaaradaha duqeeyeen waa deegaanka lagu magacaabo Far-shaqeel, waxaana ay saldhig weyn u aheeyd Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, khasaare xoog leh ayaana ka soo gaaray hase yeeshee ilaa iyo iminka lama garan karo, waxayna joojiyeen gaadiidkii isticmaali jiray wadada isku xirta Bu’aale iyo Jilib,” sidaa waxaa yiri masuul katirsan Dhaqdhaqaaq Raaskaambooni oo u waramayay.saxaafadda Maxaliga ah.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.