WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in saakay aroortii hore lagu arkay hawada magaaladaasi diyaarado joog hoose ku socda, kuwaasi oo laga cabsi qabo in degaanadaasi ay ka sameeyaan bam gareyn ay la beegsadaan saldhigyada Al-Shabaab ee halkaasi ku yaala.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadka degan magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ay si weyn uga cabsadeen diyaaradahaasi oo ay sheegeen inay ka soo kaceen maraakiib ku sugan badweynta xeebaha Soomaaliya.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda KMG ah ayaa shaaciyay inuu bilowday howlgalka lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in magaalooyinka Marka iyo Baraawe ay ku sugan yihiin inta badan 7-ruux ee dhowaan la dul dhigay lacagta faraha badan.
Dhinaca kale diyaaradaha oo ahaa nooca Helicoptarka ah ayaa lagu arkayay iyagoo faag wareegaya nawaaxiga magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose, kuwaasi oo meelaha qaarkood la sheegayo inay sawirro ka qaadayeen, lana oga ujeedada ka damebysa ilaa iyo iminka howlgalada ay ka sameeyeen magaalada Marka.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.