Dilal iyo qaraxyo siyaabo kala duwan xalay uga dhacay magalada B/weyne.

0
531

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xalay magaaladaasi ay siyaabo kala duwan uga dhaceen dilal iyo qaraxyo lala bartilmaameedsaday ciidamo ka kala tirsan dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya.

Sida warku sheegayo qarax loo adeegsaday bamka nooca gacanta laga tuuro ah oo lagu weeraray guriga uu magaalada B/weyne ka degganyahay Guddoomiye ku xigeenka siyaasadda ee maamulka gobolka Hiiraan Caddaawe Cilmi ayaa la sheegay inuu ka dhashay weerarkaasi khasaare dhaawac ah, waxaana la xaqiijiyey in weerarkaasi uu ku dhaawacmay inta la ogyhay hal-ruux.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in qofka dhaawacmay ay aheyd gabar da’ yar oo ka mid ah dadka deegaanka ah, taas oo ay xaaladdeedu hadda wanaagsan tahay sida uu sheegay Caddaawe Cilmi, halka warar kalena ay sheegayaan in gabadha uu dhalay Guddoomiyaha weerarka lagu qaaday gurigiisa.

Guddoomiye ku xigeenka oo ka hadlay weerarka lagu qaaday gurigiisa ayaa sheegay inay ciidanku eryadeen sida uu yiri dadkii weerarka soo qaaday, sidoo kalena ay howlgalo sameeyeen xaafadaha ku dhowdhow gurihiisa, wuxuua intaasi ku daray in dad badna loo soo qabqabtay weerarkaasi, inkastoo uusan sheegin in dadkaasi ay xiriir la leeyihiin kooxihii weerarka ku qaaday gurigiisa iyo in kale, wuxuuna xusay in laga shakiyey oo keliya.

Dhinaca kale dabley hubaysan ayaa duhurnimadii shalay gudaha magaalada B/weyne waxay ku toogteen Nabadoon lagu magacaabi jiray Cabdi Xareed Hilowle oo ka mid ahaa Nabadoonada gobolka Hiiraan sida weyn looga yaqaanay, waxaana uu dilku ka dhacay xaafadda Howlwadaag.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobti ay dilka ka geysteen, waxaana dilka ka dib goobta soo gaaray ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali, kuwaas oo baaritaano kala duwan oo ay sameeyeen la sheegay inay ku qabqabteen dad badan oo ay la xiriirinayeen inay xiriir la leeyihiin kooxihii dilka u geystay nabadoonka, waxaana la sheegay in dadkaasi qaarkood ay iska soo daayeen ciidamadama, halka kuwo kalena ay heystaan oo ay gacanta ugu jiraan weli.

Si kasta oo ay ahaataba labo toddobaad ka hor ayey aheyd markii magaalada B/weyne lagu dilay oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Aadan Maxamed Isaaq {Aadan Bile}, kaas oo ay dileen seddex nin oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo goobta ka baxsaday, waxaana magaalada B/weyne ku soo badanayey muddooyinkii dambe dilalka qorsheysan iyo qaraxyada kala duwan ee lagu weerarayo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ee gacanta ku haya magaaladaasi.

Xafiiska Warqabadka warsom.com