Dagaal Geystay Khasaare isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Gobalka Bay ku Dhex Maray Mujaahidiinta Al-shabaab Iyo Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Itoobiya.

0
540


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Ugu yaraan shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal shalay gallinkii dambe ku dhexmaray ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo is-garabsanaya iyo  Xarakada Mujaahidiinta  Al-shabaab.

Dagaalka oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kurtaale oo u dhexeeya degmada Bardaale ee gobolka iyo deegaanka Yurukud ee gobolka Gedo, waxaana dagaalku uu qarxay markii kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada is-garabsanaya lagu qaaday weerar gaadmo ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarka, waxaana saraakiil u hadlay ay sheegeen in weerarkaas ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidamadii dowladda KMG ah iyo kuwii Itoobiya ee isla socday.

“Iskahorimaadku wuxuu ahaa mid culus, dhinacyaduna waxay isku adeegsadeen hub kala duwan, mana jirto khasaare dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaalka,” ayuu yiri goobjooge ku sugna deegaanka lagu dagaalamay.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ah ee weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay inay ka ambabaxeen magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayna ku socdeen degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Ma jiro hadal ku saabsan dagaalkan oo kasoo baxay dhinaca DKMG ah iyo Itoobiya iyadoo ciidamadii isbahaysanayay ay ku sugan yihiin deegaanadii lagu dagaalamay, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee weerarka qaaday.

Tan iyo billowgii sannadkan ayaa waxay dagaallo noocan oo kale ah ka dhacayeen gobollada Gedo iyo Bay, markaasoo ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ah ay kala wareegeen Al-shabaab degmooyin ay ka mid yihiin Bay iyo Bardaale.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.