WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Saansaan colaadeed ayaa labadii maalmood ee ugu danbeeyayba ka taagneyd deegaanka Tukaraq ee Koonfurta Gobolka Sool ka dib markii nin lagu dilay mid kale lagu dhaawacay habeen hore halkaasi.
Axmed Karaash oo ah ninka ku magacaaban Madaxwaynaha koowaad ee Maamulka la baxay Khaatumo oo lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolka Sool ee Somaliland ayaa shalay dood adagi dhexmartay Qayb ka mid ah odayaasha
Gobolkaas oo dhalasho ahaan u xigay labada nin oo la wariyay inay u shaqeynayeen Puntland. Warku waxaa uu intaas ku daray in odayaashu ku eedeeyeen Axmed Karaash inuu ka dambeeyay dil gaadmo ah oo Maleeshiyaad taabacsani ku dileen laba dhalinyaro ah oo Isbaaro dhigtay tuulada Tukaraq ee koonfurta gobolka Sool, kuwaasi oo Maleeshiyaad si gaar ah uga amar qaata Karaash ay dileen wakhti habeenimo ah, iyagga oo doonaya inay kala wareegaan kaantaroolka si ay gaadiidka isaga gooshaya Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ugu cashuuraan.
Axmed Karaash oo hadda ku sugan Magaaladda Taleex ee Gobolka Sool, ayaa la sheegay in odayaashu ay shalay la garnaqsadeen, waxayna ka dalbadeen sida la sheegay inuu cadeeyo sababta Maleeshiyaadkiisu gaadmada ugu dileen dhalinyaradaasi oo midna dhintay, midkoodna dhaawacmay.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land