Ciidankii Ethiopia Ee Ku Sugnaa Degmada Ceelbuur Oo Saakay Isaga Baxay Degmadaasi

0
617


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Sida ay ku waramayaan wararka laga helayo degmada ceelbuur ee gobolka galgaduud ee bartamaha dalka soomaaliya ayaa sheegaya in saakay aroortii ay degmada faarujiyeen ciidankii ka socday dowlada ethiopia ee kal hore degmadaasi kala wareegay maamulkii xarkada Alshabaab ka dib dagaal xoogan oo ay degmada ku wada gallen.

wararka ayaa intaa ku sii daraya in degmada ay hada ku sugan yihiin ciidanka deeganka oo ay ka tirsan yihin maamulka culumaa udiinka ahlu sunna waljamaaca.

ciidankii ethiopian ka ahaa ee degmada ku sugnaa ayaa la sheegayaa in ismaandhaaf uu soo kala dhex galay sidaana ay ku faarujiyeen degmada iyagoona u ambabaxay dhanka degmooyinka dhuuso mareb iyo guri ceel ee isla gobolka galgaduud.

tan iyo markii saakay ay degmada isga baxeen ciidanka dowlada ethiopia waxay dadka deeganka soo foodsaartay cabsi ka dhan ah in halkaasi ay markale ku wada dagaalamaan ciidankii kal hore ku wada dagaalamay ee ethiopia iyo Xarakada Alshabaab.

iyadoona hada wararka la helayo ay tibaaxayaan in degmada ceelbuur ay ku sii qulqulayan ciidankii kal hore lagala wareegay gacan ku heynta degmada ee maaulkii xarkad alshbaab.

sidoo kale idaacad ku hadasha afka xarkada alshabaab ayaa waxay sheegtay in hada ay ceelbuur ku sugan yihiin ciidanka xarakada mujaahidiinta Alshabaab.

ma kala cada sida ay ku danbeyn doonto xaalada amaanka degmada ceelbuur ee gobolka galgaduud oo ay faarujiyeen ciidankii ethiopia

Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya