Ciidamada RRU Ee u tababaran sida Gaar ka ah oo hawl Galo Ka Fuliyay guri ka akdhaw Saldhiga Ibraahim Koordbuue Ee Magaalada Hargeysa.

0
499

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Hawlgalkan ciidamada RRU ,du ka fuliyeen guri ku yaala ka soo horjeedka saldhiga booliska degmada Ibraahim Kodbuur ee Magaaladda Hargeysa oo la sheegay inay ku baadi goobayeen qof loogu shakiyey inuu ka mid ahaa shakhsiyaadka
loo aanaynayo dhaawacii loo geystay Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Hargeysa Cabdirashiid Duraan, ayaa Mulkiilaha gurigan oo ah Odey caan ka ah dalka oo magaciisu yahay Xasan Aw Libaax uu cabasho ka muujiyey hawlka khasaaraha geystay ee RRU-du ka fuliyeen halkaasi.

Xasan Aw Libaax, waxa uu sheegay in ciidamadu dhibaato badan ka sameyeen guriga dhexdiisa ka dib markii ay saq-dhexe u soo daateen, isaga oo tilmaamay in dadkii guriga hurday oo carruur, dad waayeel ah iyo haween ay iyagga oo qaawan daaqadaha ka daateen iyagga oo u qaatay in tuugo soo weerartay.

Odey Aw Libaax waxa uu sheegay in waxa lagula kacay gurigiisu qof kasta oo reer Somaliland ku dhici karto haddii-buu yidhi aan laga dhiidhiyin oo aan meel looga soo wada jeedsan cida amarkaasi bixisay oo uu ka carabaabay Wasiirka Khaarajiga, Booliska iyo Madaxwayne Siilaany “Ismaan odhanin oo marnaba kumaan seexan Somaliland oo wixii la ogaa soo martay oo sharafkii dadka iyo wax walba loo huray sidii ay wax u noqon lahayd ayaa gudaheeda waxaasi oo kale ka dhacayaan, waxaa dhacayna shacabka reer Somaliland barito ayuu nin walba halkiisa ugu iman doonaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inuu ka mid ahaa SNM isla-markaana uu hantidiisa ka dhisay Saldhiga Ibraahim Koodbuur oo gurigiisa ka soo horjeeda “Waxaan ahay nin la-yaqaano oo SNM ahaa, oo adduunkiisii iyo noloshiisii u huray wadankani sidii uu wax u noqon lahaa, ma ihi nin Badow ah oo hadda soo gallay, wax aan dalkan u qabtana waxa ugu dambeeyay Saldhiga booliska.

Oday aw Libaax Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxaa uu sheegay In Saldhiga Ibraahim Koodbuur oo naga soo horjeeda si wadaninimo ah Ayaan u dhisay, walina cid umaan sheegin,cidna uguma tar-sheeganayo oo wax aan anigu gartay inaan naftayda ka gooyo ayuu ahaa”Xasan Aw Libaax oo sharaxaya sida wax u dhaceen ayaa yidhi “Habeen badh-baa aqalkayga loo soo dhacay, arruur-baa ii joogta, dad gaboobay-baa ii jooga,dad marti ahbaa ii jooga, dumarkaygii iyagga oo wada qaawanbay daaqadaha ka daateen oo in tuugo weerartay bay moodeen ismanay lahayn dawladiibaa inay ilaaliso ahayd ayaa weerartay, imika saamaynta ay carruurta ku yeelatay muddo ayay ku jiraysaa, saldhigii booliska ee aan sharaftayda iyo maalkayga ku dhisay waxba lama waydiin oo askartii meeshaa lagu xidhay.

Odey Xasan Aw Libaax waxa uu fariin u diray shacabka iyo xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo “Nimanka soo diray Waxaasi (Ciidanka RRU-da) ee waxaasi sameeyay haddii uu Madaxwaynaha yahay, haddii uu wasiirka daakhiliga yahay iyo haddii uu booliska yahayba, maaha in xaalkaasi lanagaga aamuso oo la sahashado, shacabka Somaliland-na ha ogaadaan in qof walba taasi lagu samayn karo, bad-baana la galay oo sharaftii Somaliland iyo sharaftii dadku dawlada ku lahaabaa meel lagaga dhacay oo sharaftii dhalinyarada iyo shacabka ayaa meel lagaga dhacay, in arinkaa laga hadho raali kama ihi, aniguna ka hadhi maayo, haddii maxkamadu waxba ii qabanwaydo, waxaan gaynayaa maxkamadaha caalamiga ah, dhaawaca igu yaalaana maaha mid iga hadhaya, dadka Somaliland-na waa inay ogaadaan haddii ay maanta dhirbaaxadaasi qaataan barina tu kale ayaa lagu dhufan doonaa, nimankaa amarkaa khaladka ah bixiyay ee dalka sharaftiisii ku ciyaaraya waa in la iska qabtaa, dadkaasi dan ayay leeyihiin ee waa in la ogaadaa oo aan sidaa lagaga hadhin ee Mudaharaad la dhigaa”ayuu yidhi.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land.