Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom)
Cali Maxamed Waran-cade oo maanta saxaafada kula hadlay Magaalada
Hargeysa, ayaa sheegay in dagaal dhexmara labada wadan uu suurtagal yahay,
maadaama oo xukuumada Madaxweyne Shariif aanay diyaar u ahayn in ay
aqoonsato dawlad ka madax banana maamulkiisa oo ka jirta dhulweynihii hore
ee Soomaaliya.
Waxa uu ku eedeeyay xukuumada Soomaaliya in ay wado daan-daansi dagaal,
iyada oo ka soo horjeeda in ismarinwaaga u dhexeeya labada geesood lagu soo
afjaro waan-waan iyo wada hadalo, waxaana uu shacabka iyo xukuumada talada
haysa ee Somaliland ugu baaqay in la dhiso ciidamo xoog leh oo dalka ka
difaaca weerarada ka iman kara dhanka Koonfurta oo meesha lagaga saarayo
jiritaanka Somaliland. Isaga oo sida oo kale ka dayriyay natiijada wada
hadalada beesha caalamku ku baaqday ee dhawaan ka furmaya Magaalada London.
“ Waxa aan filayaa in halkaas aanay jirin wax waan-waan ah oo guddidaas ay
kala soo noqon karto madaashaa ay tageen ee Ingiriiska, haddaan Ilaahay
mucjiso kale ku soo rogin, sidaa awgeed anigu waxaan qabaa inaga
(Soamliland) iyo Koonfur ( Soomaaliya) mar baa isugu keen hadhay dagaalo
hore ayaynu soo wada galnay mar labaadkaasu waa dagaal dambe oo ay runtii
soo abaabulayaan xukunka maanta jiraa ( DKMG) .
Halka laga eegayo in aynuwada hadal wax ku dhamaysano, markaa anigu ummada reer Somaliland iyoxukuumada waxa aan u soo jeedinayaa in aynu dhisano ciidamadeena qalabkasida si aynu u difaacno Somaliland , isla markaana aduunyada Luuqayadakaliya ee ay fahmi karaysaa waxa weeye waa ta xooga, waxa oo aandhalinyarada reer Somaliland u soo jeedinayaa ee jaamacadaha iyo dugsiyadasare ka baxaya dhamaantood in ay galaan hawshii la odhan jiray tababarka siaynu dalkeena u difaacno oo walaalaheena ina hungureeya ee Soomaaliya utusno in aynu nahay dad aan dib loo sakalin” ayuu yidhi Cali Waran-cade.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom)