Saraakiisha Ciidamada Dowlada KMG ah ee soomaliya Gobolada Jubooyinka ayaa eedayn waxay dusha ugu tureen Xukuumada Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay raiisalwasaare gaas.
Saraakiisha ayaa ku eedayay Dowlada Sheekh Shariif inaysan kahelin wax taageera ah oo ku aadan Macluumaadka Ciidaamada dowlada ay ubaahanyihiin sida ka warqabka isla shaqeynta guud ee ciidanka.
Aadan Shire Rufle oo ka mida Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Gobolada Jubooyinka oo la hadlayay saxaafada ayaa waxa uu sheegay inayba mararka qaar ka shaki qabaan inaysan ahayn Ciidamo katirsan Dowlada KMG Soomaaliya taas oo uu u aaneeyay Dhibaatada Ciidamada Dowlada ku haysta Gobolada Jubooyinka oo aan loo ogeyn .
Aadan Shire Rufle ayaa kadhawajiyay in Ciidamada Dowlada ee Gobolada Jubooyinka aysan helin wax mushaaraad ah Mudo badan taas waxaa ay ku dhacday masheegi karo ayuu yiri.
Waxuu sheegay inay ujoojin doonin mushaar la’aanta haysta Dagaalka ay ugu soo horjeedaan Ciidamada Ururka Al-shabaab’ howlgalkaas oo uu sheegay in waqtiga dhaw ay dhamaystiri doonaan.
Ugu dambayn Rufle ayaa sheegay in Madaxda Dowlada Waqtigii ay doonto ha ahaato lagula Xisaabtami doono Mushaaraadka Ciidamada naftooda u huray Difaaca dalkooda ayuu yiri.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdiso,somaliya,