WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Wasiirka Warfaafinta Somaliland isla markaana ah afhayeenka cusub ee Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay ergo cusub oo Somaliland uga qayb geli doonta shirka wada hadaladda ay la yeelanayaan Nidaamka maalmahu
ka dhimanyahiin ee Sheekh Shariif kulankaasi oo ka dhici doona magaalada London todobaadka soo socda.
Ergadani dhinaca Somaliland ayaa ah tii labaad ee muddo bil iyo badh gudaheed ah lagu dhawaaqay iyadoo muddo ka hor Madaxweyne Siilaanyo ergadii uu ku dhawaaqay inay wada hadaladaasi Somaliland u matalayaan ay ka timid qawadaad iyo gacan saydh weyn oo dhinaca bulshada Somaliland ah.
Haddaba Ergadani maanta Wasiir Boobe magacyadooda daboolka ka qaaday ayaa waxaa ka muuqda hagal-daac iyo qaab xumo aad u liita oo ka baxsan nidaamka baratakoolka dawladnimo marka loo eegayo sida ay dawladahu u shaqeeyaan, waxaananu halkani ku soo bandhigayna qaab xummadaasi iyo nidaamka foosha xun ee ka baxsan qaabka baratakoolka.
1. Ergada Cusub Iyo Qaabka Loo Dhigay Darajo Ahaan
Ergada waxaa lagu sheegay inay ka koobanyahiin shan xubnood seddex wasiir, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiiladda iyo Guddoomiye xisbi mucaarid, waa marka koobaad eh sida Boobe Yuusuf Ducaale uu afkiisa ka sheegay waxaa ergadani hogaamin doona Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar oo markaad qaab dawli ah u eegto darajooyinka xubnaha shanta ahi leeyahiin iyo Wasiirka hogaaminaya ay u muuqato baratakool xummadii ugu liidatay, tusaale ahaan shanta xubnood ee la magacaabay batarakool ahaan iyo asluub ahaan waxaa ugu darajo sareeya Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, waxaana nidaamka dawliga ahi jidaynaya sida ku cad dastuurka Somaliland in marka safar loo baxayo ama Dawladdu dawlad kale la kulmayso uu wefdigaasi hogaaminayo qofka Dawladahaan ugu darajo sareeya.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamuud Faarax baratakool ahaan waa ninka todobaad ee ugu sareeya qarranka waxaana darajo ahaan ka sareeya Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha golaha guurtida, Guddoomiyaha golaha Wakiiladda, Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha guurtida, Guddoomiye ku xigeenku nidaam ahaan iyo baratakool ahaan wuxuu noqonaya ninka todobaad ee ugu sareeya qarranka, markaad eegto shanta xubnood ee ergadani ka koobantahayna waa ninka Dastuuriyan ugu darajo sareeya isweydiintu waxay tahay waa maxay nidaamka u fasaxaya in Guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee golaha Wakiiladdu oo ah ninkii todobaad ee dalka ugu sareeyey uu Wasiir Xukuumad ka tirsani u hogaamin kara? go’aankani ayaa ah mid khaldan oo uu ka muuqdo jahawareer iyo inaan la raacin jidkii dastuurka Somaliland iyo qaabka dawliga ahi jidaynaayey waxaanay u muuqata in haykalkii dawladnimo ee Somaliland la caayayo.
2 Dheeli-tir La’aanta Ka Muuqata
Markaad ka timaado nidaamka foosha xun ee ragaadiyey qaranimada Somaliland ee ku dhisan qabiilka, waxaa ergadani ka muuqata dheeli tir la’aan haayadahii qarranka iyo weliba haayadahii siyaasadda ee Somaliland, tusaale ahaan shanta xubnood seddex ka mid ahi waxay ka yimaadeen golaha Wasiiradda Somaliland, halka xubin laga keenay axsaabta qarranka, xubinta kalana golaha Wakiiladda, siday ku dhacday in xisbi ka mid ah sedexdii xisbi ee dalku lahaa lagu darro labadii kalana laga tago ileen nidaamka siyaasadeed ee qarranka waxaa u dhaadhaara ahaa seddexda xisbi qarran oo mid weliba siyaasadiisu ka kale ka duwanayd miyaanay u dhadhamayn in laba ka mid ahna daadka la raaciyey mid ka mid ahna talladiisii la qaatay.
Isku soo duubo markaad ka timaado baaqyada fadhiidka ah ee beelaha qaarkood ku tabanayaan in guddigani laga qadiyey waxaa bar bar socda foolxumo dawladeed oo gebi ahaanba qaabka Guddida loo dhigay ay tahay Kud ka Guuro Qanjo u guur, waxaanay tani tilmaamaysa sida Xukuumadda Siilaanyo ay uga aradantahay ugana aqoon la’dahay qaab dhismeedka qarranka iyo sida haykalka dawladnimo u shaqeeyo.”
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land.