WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee bartamaha Soomaliya ayaa ka jawaabay hadal kasoo baxay Ergayga QM ee Soomaaliya Mahiga kaas oo sheegay in ciidamo ka socda Amisom lagayn doono deegaanada ay Ahlu Sunna kataliso.
Ergayga QM ee Soomaaliya Mahiga ayaa shalay saxaafada usheegay in ay ciidamo kasocda Amisom ay gayn doonaan gobolka Galgaduud oo ay Ahlu Sunna Waljamaaca kataliyaan.
Xili uu lahadlayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho Gudoomiyaha Golaha fulinta Ahlu Sunna Sheekh Max’ed Yuusuf Xeefoow ayaa waxaa uu sheegay in aysan raali ka ahayn in ciidamo shisheeye lageeyo Galgaduud.
Waxaa uu sheegay in uu uga digayo Mahiga iyo Amisom in ay ku dhiiradaan ciidamo gaysta deegaanada ay ka taliyaan gaar ahaan gobolka Galgaduud.
“Mahiga waxaan usheegayaa Galgaduud in aysan ahayn deegaan isaga hoostaga ama wax laga weydiinayo, waxaana usheegayaa in uu ka feejignaado hadalada noocaas oo kala ah”ayuu sheegay Xeefow.
In Ciidamo kasocda AMisom lageeyo deegaanada ay ka taliyaan ee Galgaduud ayaa waxaa uu ku sheegay in aysan ahayn mdi suurta gal ah waxkasta oo dhaca.
Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa laga saaray deegaano kuyaal Galgaduud iyo Hiiraan taas oo shaki galisay awoodoodii ay lahaayeen oo ay kula dagaalamayeen Shabaab.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya