Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo sheegay in Soomaaliya ay xiligan ka jiraan laba dowladood oo kala madax-bannaan.

0
527

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Sheekh Cali Dheere ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay la yeesheen mid ka mid ah beelaha daga gobolka Bay, kaasoo ay heshiis ku kala saxiixdeen, wuxuuna xusay in iyagu ay yihiin dowlad ka talisa inta badan Soomaaliya.

Shikh Cali Dheere “Soomaaliya waxaa ka jirta labo dowladood, mid waa tan gaaladu wadato, midna waa midda ay Islaamku wataan oo ka talisa dhul ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla kuna dhaqanta diinta Islaamka,” ayuu yiri.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in iyagu ay ka taliyaan dhul gaaraya saddex kun oo kiiloo-mitir, kaasoo u dhexeeya degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Sheekh cali dheere”Beesha Hubeer waxaan ugu baaqayaa inay qayb ka qaataan dagaalka la doonayo in ciidamada Itoobiya looga saaro degmada Qansax-dheere iyo deegaannada ku dhow, waxaana qof walba oo beeshan ka mid ah looga baahan yahay inay diyaar u noqoto sidii ay dagaalkaas uga qaybqaadan lahayd,” ayuu yiri Sheekhu.

Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo dhul ballaaran laga qabsaday tan iyo billowgii sannadkan ayaa haddana waxay weli ka taliyaan dhul baaxad leh oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla, halkaaso oay kula dagaalamayaan ciidammo ka socda dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo AMISOM.

Hadalka afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa xili ay xarkada saaran yihiin culeysyo milateri oo la doonayo in dhulka ay hadda gacanta ku hayaan looga saaro iyo iyadoo mas’uuliyiinta sarsare ee kooxdan la dul-dhigay madaxfurasho lacageed.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Soomaaliya.