Wasiirkii hore ee maaliyada soomaaliland oo nasiibdaro ku tilmaamay shirkii m/london.

0
524


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wasiirkii horee ee maaliyada maamulka soomaaliland injineer maxamed xaashi oo dhaliilay wada hadaladii dhawaan ay magaalada London ku weada yeesheen maamulka soomaaliland iyo DKMG soomaaliya.

Wasiirkii hore ee maaliyada soomaalland waxa uu sheegay in Dardarankii maxamed ibraahim xaaji cigaal oo ahaa maxadweynahii ugu horeyay ee maamulka soomaaliland ayaa meel looga dhacay ayuu yiri maxamed xaashi
Maxamed ibraahim xaaji cigaal madaxweynahii hore ee soomaaliland ayaa waxa uu sheegay in soomaliland ay wada hadal la galeyso somaliya inteeda kale marka soomaaliya ay yeelato nidaam dhameystiran oo dadka soomalida isku wada raacsan yihiin.

Halka wasiirkii hore ee maaliyada soomaaliland ayaa ku soo aadaya xili dhawaan magaalada London ee cariga dalka biriten uu ku soo idlaaday kulan ay halkaasi ku wada yeesheen wakiilo ka kala socday maamulka soomaaliland iyo dowlada soomaaliya.

Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.