Maamulka Degmada Deyniile Ee DKMG oo Amaanay Xaalada Amaanka Degmadaasi.

0
597


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Daahir xasan Xuseen Oo Ah Gudoomiyaha Degmada Deyniile Ee Maamulka Dowlada KMG ah ee soomaaliya oo wax laga weydiyay xaalada amaanka ee degmada deynile ayaa waxa uu sheegay in maalmahii ugu danbeyay aay sii yaraanayen raga ku labisan dareeska ciidanka DKMG ah ee soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in ay wax weyn ka qabteen xaaladaha la xiriira amaanka degmada oo mudooyinkii ugu danbeyay ay isa soo tarayeen cabashada dadka shacabka eek u nool xaafadaha degmada deynile gaar ahaan xaafada gubta.

Degmada deynile ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinkii dhawaan laga wareegay xarakada alshabaab oo mudo farabadan ka talinayay degmaddaasi.

Maamulka degmada ayaa waxa uu si diiran u amaanay xaaladaha amaanka ee degmada oo uu sheegay maamulka DKMG ee degmada in ay wax weyn ka qabten ragii ku labisnaa dareeska ciidanka dowlada soomaaliya.

Marka guud ahaan laga hadlayo xaaladaha amaanka ee degmooyinka gobolka banaadir ayaa waxa ay xiligani ka wadaagan xaaladaha amaan darro ee gobolka banaadir uu ku can baxay mudada aadka ufog oo aan la helin nidaam iyo kala danbeyn dadka ay ku dareeman xaalado deganaansho ay dadka ku soo hirtaan.

Ugu danbeyntii waxaa bilahii ugu danbeyay soo hagaagayay xaaladaha dhinaca amaanka ee 16ka degmo ee gobolka banaadir taasi oo ka turjumeysa in ay muuqanayaan saan saan nabadeed oo dadka reer muqdisho dib ugu soo celineysa rajadii ka luntay in ka badan 23 sano ka hor.

Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.