Safiirka Soomaaliya U Qaabilsan Midowga Yurub U Fadhiya Dalka Itaaliya Nuur Cadde Oo Xalay Dhaawac Soo Gaaray.

0
644


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wararka ka imaanaya magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljimka ayaa waxay sheegayaan in xalay magaaladaasi u shil sababay dhaawac fudud uu ku galay Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya, haatanna ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cadde}.

Sida warku sheegayo Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cade} ayaa shilka galay ka dib markii gaarigii uu la socday safiirku iyo gaari kale ay isku dhaceen, iyadoo sababta arrintaasi keentayna aanan faahfaahin dheeri ah laga bixin, waxaana la sheegay in shilkaasi uu dhaawac fudud ka soo gaaray Safiir Nuur Cadde oo loola cararay Isbitaal, waxaana u dhaawac culus soo gaaray darawalka Nuur cadde.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in xilliga uu shilka u geystay dhaawaca gallayey safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Nuur-cadde uu ku sii jeeday magaalada Brussels ee caasimadda dalka Biljamka halkaas oo uu doonayey inuu uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Safiirrada dalalka Afrika u fadhiya magaalada Brussels, kaas oo looga hadlao arrimaha geeska Afrika, gaar ahaan arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa dowladda KMG Soomaaliya.

Xaaji Maxamed Nuur Xasan Xuseen oo ah wiil uu dhalay Safiirka ayaa u xaqiijiyey warbahinta dhaawaca soo gaaray Aabihiis, wuxuuna sheegay wiilka in dhaawaca soo gaaray aabihiis uu yahay mid fudud, isla markaasna uu safiirku ka jabay kalxanta, haddana uusan qabin dhaawac badan, xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid hagagsan, wuxuuna intaasi ku daray wiilku in dhaawaca aabihiis lagu dabiibayo Isbitaal ku yaala magaalada Brussels ee caasimadda dalka Biljamka.

Xafiiska Warqabadka warsom.com