Sida ay ku waramayaan dadka deeganka saakay waxaa xiisado dagaal lada dareemayaa guud ahaan magaalada kismanyo ee xarunta u ah gobolka jubada hoose.
xiisadaha dagaal ayaa ah kuwa soo ifbaxay tan iyo markii ciidanka iskaashanaya ee DKMG ah ee soomaaliya iyo kuwa Kenya ay si cad u qireen in ay ku wajahan yihiin magaalada kismanyo halkaasi oo ay doonayaan in ay kala wareegan gacan ku heynta magaalada iyo guud ahaan gobolada jubooyinka ee qeyba ka tirsan ay hada ka taliyaan maamulada xarakada Alshabaab.
isku dayada hada lagu doonayo in magaalada kismaayo in lagala wareego xarakada alshabaab ayaa ah kuwa mudooyinkii ugu danbeysay ay ku guuleysanayeen ciidanka dowlada federalka KMG ah oo kaabiye mileteri ka helaya Ciidanka shisheeye.
maamulka xarakada alshabaab ee magalada kismanyo waxa hada ay ugu baaqayaan in dadka reer kismanyo ay ka qeyb galaan dagaalada laga cabsida qabo in ay ka qarxaan in kastoo ilaa hada aanay jirin wax war ah oo ka soo ifbaxay dadka shacabka oo ku aadan hadalka alshabaab ay ku dalbanayaan in laga gacan siiyo la dagaalanka ciidamad ku soo fooda leh magaalada kismanyo.
dhawaanahaan xarakada alshabaab waxa lagala waregayay gacan ku heynta magaalooyin dhowr ah oo ay kala wareegayeen ciidanka ku dagaalamaya magaca AMISOM oo hada kala wareegay Degmada Afgooye ee Gobolka shabellaha hoose.
Xafiiska warqabadka warsom.com
muqdisho,somaliya