23 Qof oo Ka tirsan Ururka Al-qaacida oo Lagu Dilay Dagaal Dhexmaray Ciidamada Dowlada Yemen iyo ururka Al-Qacida.

0
585

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

ugu yaraan 23 dagaal yahano katirsan ururka Al Qaacida ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay kadib markii dagaal xooggan uu dhexmaray ciidamada dowladda Yemen iyo dagaal yahanno ka tirsan ururka Al Qaacida.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dhacay koofurta dalka Yemen halkaas oo ay ku xooganaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al Qaacidada Jaziiraddda Carabta.

Wasaaradda gaashandhigga Yemen aya sheegtay in dadka la dilay ay ku jiraan dagaal yahanno Somali ah kuwaas oo ka dhinac dagaalamayay ururka AL Qaacida ee garabka Yemen kuwaas oo shalay guuldarro xoogan ay kazoo gaartay dagaal ay la galeen dowladda Yemen.

Lama sheegin tirada rasmiga ah ee dagaal yahanada somalida ee lagu dilay dagaalkaas laakin wasaaradda waxay qirtay in dagaal yahanno Somali iyo Pakistaan ay halkaas ku dishay halka kuwa kale ay u dhasheen
dalka Yemen.

Ururka AL Shabab ee ka dagaalama dalka Somalia ayaa horey u sheegay inay dagaal yahanno u dirayaan dalka Yemen halkaas oo ay ka dagalamaan ururka ay katirsan yihiin ee AL Qaacida.

Dowladda Yemen ayaa horey u sheegtay in dagaal yahanno Somali ah oo ka tirsan Al Shabab ay ka tilaabeen badda Cas iska markaana galay Yemen si ay ugu bar bar dagaalamaan shabakadda AL Qaacida oo Al Shabab ka tirsan yihiin.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com