Yaa Ku Guuleestay Gooldhalinta Horyaalada Ugu Waa weyn Ee Qaaarada Yurub?

    0
    761

    Iyadoo maalintii shalay ay soo gabagaboobeeyn inta badan horyaalada Qaarada Yurub ayaa hadane waxaa lagu kala baxay dhanka gooldhalinta ee horyaalda wadamada England, Italy, Spain iyo Germany.

    Hadii aan ku hormarno Dhanka Gooldhalinta Horyaalka Ingiriiska ee Premier Laegue ayaa waxaa Sanadkaan wacdaro la yaab leh la soo Baxay Xiddiga Kooxda Arsenal uga ciyaara weerarka Robin Van Persie una dhashay Wadanka Holland waxuuna sanadkaan 30 Gool ku qaaday Gool Dhalinta Horyaalka Premier Laegue waxaana kaalinta labaad galay Ciyaariyanka Kooxda Man Utd Weyne Rooney oo asagana dhaliyay 27 Gool.

    Ciyaariyahanka Rer Arjantiin Lionel Messi ayaa sanadkaan Iskoor dhanka Gool dhalinta Horyaalka Spain ee La Liga ku qaaday 5o Gool waxaana kaalinta labaad galay Ciyaariyahanka u ciyaara Kooxda Real Madrid Ronoldo oo asagana dhaliyay 46 Gool.

    Ciyaariyahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic una Ciyaara Kooxda Ac Milan ayaa sanadkaan asagana ku guuleestay gool dhalinta Horyaalka Serie A waxaana sanadkaan uu dhaliyay 28 Gool waxuuna meesha kala baxay ciyaariyahanka waaydaan Serie A ku heestay xooga Antonio De Natale.

    Weeraryahanka u dhashay Wadanka Holland Klaas Jun Huntelaar una Ciyaara Kooxda Schalke 04 ayaa ku guuleestay Gool dhalinta Horyaalka Wadanka Germany waxuuna dhaliyay 29 gool waxuuna meesha kala baxay Ciyaariyahanka Weerarka uga ciyaara Kooxda Bayer Munich ee Gomes.

    Xafiiska Sports-ka Shabalada Wararka Warsom.com
    Cabdi Rashiid Ciise Cali
    C.rashiid9@hotmail.com
    Muqdisho,Somaliya