Shabakada Wararka Warsom.com
Maanta oo ku beegan 15-ka bisha May, waa maalintii la aas-aasay ururkii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL oo horseed u ahaa geedka xorriyadda ee ay harsanayaan ummadda Soomaaliyeed, iyadoo maanta la filayo in gobollada dalka lagu qabto munaasabado lagu maamuusayo maalintaas.
Qaban-qaabada munaasabadda maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa saaka laga dareemayaa inta badan magaalooyin dalka, iyadoo lagu xusayo kaalintii Xisbiga SYL uu ka qaatay gobonnimada Soomaaliya, waa maalin weyn oo sanad weliba maanta oo kale la xuso.
Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho Cabdullaahi Maxamed Nuur oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in ay wadaan qaban-qaabo xooggan oo ku aadan munaasabadda xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.
Magacyada 13-ka aas-aasayaashii Xisbigii dhallinyarada doomaaliyeed ee SYL.
1 Yaasiin Xaaji Cismaan
2 Xaaji Maxamad Xuseen
3 Cabdulqaadir Sheekh Sakhaawodiin
4 Khaliif Huudow Macallin
5 Maxamad Cismaan Baarbe
6 Cismaan Geedi Raage
7 Maxamad Faarax Hilowle
8 Dheere Xaaji Dheere
9 Sayidiin Xirsi Nuur
10 Maxamad Cabdalla Xayeesi
11 Maxamad Cali Nuur
12 Cali Xasan Maxamad Verdura
13 Daahir Xaaji Cismaan
Xafiiska Wararka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya