Warar is Qilaafsan Oo ka soo Ifbaxaya Dagaallo Kadhacay Jubada Hoose.

0
525

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Ciidamada Al-shabaab ayaa lasheegayaa in ay weerar ku qaadeen Fariisimo ay labada Ciidan ay kulahayeen Deeganadkaas.

Dagaalka ayaa socday Mudo kooban waxaana dagaalka qasaare uu kasoo kala gaaray Dhinacyada Daagalamay ee Kenya ,dowlada KMG ah Ciidamadeeda iyo Al-shabaab.

Inta laxaqiijiyay Dagaalka waxaa kudhintay Shan ruux oo dhincyada dagaalamay ah kuwa kalana waa ay kudhaawacmeen.

Xaalada Goobaha lagu dagaalamay ee katirsan Gobolka Jubada hoose ayaa waxaa ay saakay sheegayaan in ay kajirta Xiisad kacsanaan ah.

Dhinacyada Dagaalka udhaxeeyo ayaa waxaa lasheegayaa in Xalay ilaa iyo Saakay Gurmadyo Ciidan ay soo kala gaarayeen.

Ururka Al-shabaab ayaa beeniyay war ay sheegeen Saraakiisha Dowlada oo ah inay lawareegeen Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

saraakiisha Al-Shabaab ee Jubbooyinka ayaa sheegay in dagaalku uusan soo dhaafin degmada Qooqaani 55-km u jirta Afmadow halkaas oo ay sheegeen inay Ciidamadooda kula dagaalayaan Ciidamada Kenya iyo Dowlada.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.