Tarsan oo sheegay inay tijaabinta Nalal ku shaqeeya Ileyska qoraxda ku guda jiraan.

0
713

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay in mashruucan aanay saameyn ku yeelan doonin dadka guryaha nalalka ugu jira oo shirkadaha Korontada ay bixiyaan ama inay ka fulisaan, isagoo xusay inay ku siman tahay kaliya wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Mr Tarsan ayaa sheegay in Dowladda Norway ay mashruucan gacan ka geysaneyso, isagoo xusay in ilaa 50-baale ay horu dhac ahaan u bilaabeen inay jidadka suraan, si uu ugu shaqeeyo nuurka Qoraxda (Solar Power).

“Mashruucan waxaa gacan ka geysaneysa Dowladda Norway, hada waxaa bilownay tijaabinta Solar Power, maadaama aan leenahay Qorax xoogan waa inaan ka faa’ideysanaa, anaga ma heli karno Generator dabka, waayo shirkado ayaa kula heshiinay in jidadka si lacaf la’aan nalalka ugu xiraan, cilado ayaa soo batay”ayuu yiri Mr Tarsan.

Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay inay bilaabeen tijaabinta nalal ku shaqeeya Ileyska qoraxda, kaasoo baalayaal ay sureen wadada Jidka Maka Al-Mukarama.

“Muqdisho waa meesha ugu qaalisan Korontada aduunka, sidaa la socotaan halkii Wight waa $1.35, halka Caalamka ay sentiyaal ka tahay”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhowaan heshiisyo ku saabsan horumarinta Muqdisho la soo galay Hey’ado caalami ah, sida USAID oo ah Hey’ad Mareykan ah oo mashaariic horumarineed oo ku baxeysa boqolaal kun doolar ka hirgelineysa degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in marka ay ku guuleystaan tijaabadaas ay nalalka geyn doonaan Suuqa Bakaaraha, isla markaana wado kasta ay ku xiri doonaan, si mugdiga looga baxo, meel walba habeenkii ay u noqoto Iftiin sida uu yiri.

Xafiiska War Qabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya