Somaliland oo jabisay dayr weyn oo horyaalay, xubin sharafeedna ka noqotay Urur-goboleedka IGAD.

0
493


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi, Cumar, oo maanta ka soo degay madaarka Berbera, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal shaqo oo uu ku tagay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaaday in Urur-goboleedka IGAD uu Somaliland u ogolaaday inay xubin sharafeed ka noqoto ururkaasi.waxaanu arrintaasi ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay qaranka.

Wasiirka Khaarajiga oo saxaafadda ugu waramayay madaarka Berbera, ayaa xukuumadda Jabuuti uga mahad celiyay inay gacan ka geysatay in Somaliland xubin sharafeed ka noqoto urur-goboleedka IGAD.

“Urur Goboleedka IGAD waxa uu Somaliland u ogolaaday inay xubin sharafeed ka noqdaan Ururka,”ayuu yidhi Wasiirka Kharajigu.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanan arrintaasi uga mahad-celinayaa dawlada Jabuuti oo ka shaqeysay sidii IGAD Somaliland u siin lahayd xubin sharafeed waxaan rajeynayaa inay dhawaan xubintaasi bilaabi doonto shaqadeedii oo ay fadhiisan doonto xarunta guud ee Ururka IGAD.”

Wasiirku wuxuu sheegay inay maalinta bari wefti afar wasiir ka kooban oo uu hoggaaminayaa ay u socdaali doonaan dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan shirka dawladaasi u qabanayso Soomaalida oo ay Somaliland ka qeyb geli doonto kulanka wajiga hore ee qorshaysan inuu 31-ka bishan furmo.

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa dhawaan dalka Maraykanka kaga qeyb galay shirweyne lagaga hadlayay qadiyadda Somaliland iyo horumarinteeda iyo xuskii munaasibadda 18-ka may ay ku muuneeyeen 21 guuraddii ka soo wareegtay madax-banaanida Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu soo maray dalka Ingiriiska halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay mudaneyaasha Baarlamaanka ingiriiska u qaabilsan afrika oo ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta iyo cilaaqaadka ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Somaliland.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Hargeysa.