Shabakada Wararka Warsom.com
Guddomiyaha Xilkiisa Muranka Ka Taagan Yahay ee Shariif Xassan Shiikh Aadan Ayaa Shacabka Somaliyeed ugu Baaqay in Eey gacan ka geystaan Sidii Somaliya Uga samata Bixi Laheyd kumeel Gaar.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Ka hadlayay Xafladda lagu dhaarinayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Cusub ahna Wasiirka Beeraha ayaa sheegay inay soo dhowaatay xilligii kala guurka oo ah waqtiga ay dhamaaneyso Xiliga KMG oo somali Muddo 20 Sano Lagu Maamulayay.
Shariif xassan oo Dhawaan Shaaciyay In uu U Taagan yahay Xilka Madaxtinamada Somaliya Isla Markaana U Ku Han Weyn yahy Haddi uu Ku guuleyso Xilkaasi Uu Dalka Wax Badan uu ka Badali Doono uuna Noqon Doono Mid Xilkiisa U guto Si Daacadnimo iyo Islaamnimo Ku Dheehan tahay
Shariif Xasan oo ah Iminka Ku simaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in qof walba oo Soomaali ah laga doonayo inuu Dhabarka U Xirto sidii looga bixi lahaa xaalada kala gurka ah
“Si dowladnimo loo helo waa inaan ka baxnaa kala guurka, qof walba soomaali ah waxaa laga rabaa inuu Dhabarka U Xirto, xukuumada iyo shacabka waxaa ka codsaneynaa inay iska Kaashaadaan sidii loo xuli lahaa odayaasha ansixin lahaa Dastuurka”ayuu yiri.
Dad badan oo Masraxa siyaasada Soomaaliya Ka Heystaan ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu dadaal ballaaran ugu jiro sidii loo ansixin lahaa Dastuurka, isla markaana u meel mari lahaa, iyadoo Shariifka hada u xuubsiibanayo sidii uu musharax madaxweyne u noqon lahaa ka hor bisha Agosto.