Ra’iisul wazaare Gaas Iyo Golihiisa Waziirada Oo Gaaray Magaalada Istanbuul Ee Dalka Turkiga.

0
519

WAKAALADA WARARKA WARSOM.COM

>Ra’iisul Wazaataha Soomaaliya Dr Cabdi Wali Max’ed Cali Gaas Iyo Wafdi uu Horkaco Ayaa Shalay Gilinkii Dambe Gaaray Magaalada Istanbuul Ee Caasimada Labaad ee Dalka Turkiga.

Ra’iisul Wazaaha Ayaa waxaa Sidoo Kale Safarkiisa Ku Wehliyay Qaar Ka Mid Ah Golihiisa Waziirada Gaar ahaan Waziirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabra iyo Waziirka Qorsheynta Iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/llaahi Goodax Barre,iyo Waziirka Warfaafinta Bostada iyo Isgaarsiinta Mr C/qaadir Max’ed Xussen Jahaweyn,iyo Waziir  Xigeenka Gaadiidka Cirka Dhulka,Badda Iyo Dekedaha Mr C/raxmaan Dheere Iyo Sidoo Kale Marwada Ra’iisul Wazaaraha Drs, Hodan Ciise.

Safarka Ra’iisul Wazaare Sidoo Kale Gaas  Waxaa Ku Wehlinayay Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Middobe U Qaabilsan Dalka Soomaaliya amb, Augustine Mahiiga.

Ra’iisul wazaaraha iyo Wafdigiisa Marka ay gaareen Gigida Diyaaraha Caasimada Labaad ee Istanbuul Ayaa Waxaa Halkaas Ku Soo Dhaweyay Madax Ka tirsan Dowlada Turkiga, iyo Siihayaha Safaaradda Soomaaliya Amb, Nuur Sheekh Cali Xaamud Iyo Safiiska Turkiga U Fadhiya Soomaaliya Kamalutin Kani Turum, Iyo waziir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha Iyo amaanka Qaranka Mudane c/Xakiin Cige Guuled, iyo Waliba Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Istanbuul Mr Max’ed Xoosh Iyo Xubna Kale .

Ra’iisul Wazaaha Ayaa waxaa Lo Galbiyay Hotelka Caalamiga ah oo uu Horay U Daganaa Guddoomiyaha Xilkiisa Muranka Ka Taagan Yahay Ee Baarlamka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Haatan Hawlo Shaqo U Jooga Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkiga.

Xafiiska Warqabadka Warsom.Com
Istanbuul,Turkiya.