Raiisalwazaaraha Dalka Kenya Oo ka hadlay Qaraxyada Maanta ka dhacay Kenya.

0
525


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Reylo Odinga oo ah raiisalwasaaraha dalka kenya ayaa waxa uu ka hadlay qaraxyada maanta ka dhacay xerada dhadhaab ee gobolka waqooyi barri iyo magaalada caasimada u ah dalka kenya kuwaasi oo hada ay isa soo tarayaan qasaarahii ka dhashay.

Odinga ayaa waxa uu sheegay in qarax yada maanta kadhacay qeyba ka mida dalka kenya in ay ka danbeeyaan Xarakada Alshabaab oo uu sheegay in marar badan ay ku celceliyeen in weeraro ay ku ekeyn doonan guud ahaan dalka kenya.

mr Odinga waxa uu sheegay in ciidamada amaanka ee dalka kenya in ay wadaan adkeynta amaanka iyo sidoo kale baaritaanka qaraxyada kenya ka dhacay kenya.

dhawaaan ayaay aheyd markii safaarada mareekanka uu ku leeyahay dalka kenya gaar ahaan magaalada nairobi ay safaarada sheegtay in alshabaab ay weeraro qaraxya ah ay la bartilmaamedsan doonan dalka kenya xiligaasina ay safaarada ay digniino u dirtay muwaadaniinta reer mareekan ee kenya ku sugan.