WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Ra’iisul wazaare cabdi wale cali gaas oo ku sug magaalada
labaad e dalka turkiga ee istanbuul ayaa kukan dheer la qaatay Dhiggiisa Ra’iisul
Wazaase Recep Tayyib erdogan oo ay ka
wada hadleen arrimo Fara Badab oo ay ka midyihin Arrimaha Dalka Soomaaliya iyo
Sidii Lagu Soo Afdabboolilahaa Xiliga Ku Meel Gaarka ah.
Ra’iisul wazaaraha soomaaliya ayaa Ugu Horeen bilaabay hadalka una mahad celiyay Madaxda
Sare ee Dowlada Turkiga iyo Shacabka si diiran ay u soo dhaweyn una garab
istaagee dowlada soomaaliya.
Labada Ra’iisul wazaare Ayaa si Saraaxad Leh uga wada hadlay
Amuurraha Soomaaliya iyo Sida Road-map-ka ay dowlaada Turkiga ay dhaqso ugu soo afmeeri
lahaa Dhaqan gilintiisa
“Waxaan Si Gaar ah ugu Mahad celinayaa ra’iisul wazaaraha
Dowlada aynu nahay walaalhanahay Mr Recep Tayyib Erdogan iyo xukuumadiisa iyo
dhamaan shacabka gaar ahaan Mr erdogan oo Dhabarka u xertay sidii soomaaliya
looga saaarihi dhibta iyo muruga ay ku soo jirtay muddo 21-sano”ayuu yiri Mr
Gaas
Intaa ka dib waxaa goobta ka hadlay ra’iisul wazaaraha
Turkiga Mr Recep Tayyip Erdogan Waxa Uuna u Mahad Celiyay Ra’iisul wazaaraha
soomaaliya Mr Gaas iyo xukuumaddiisa sida hufan ee hagaansan oo ay u wado
isbadalka siyaasada soomaaliya sidoo kale waxaa haddalkiisa ku soo afmeeray Waxaan
Dowlada Soomaaliya u Rajeynayaa Guul Iyo hormar.