Oday Dhaqameydyo Ka Socda Somalilan Oo Soo Gaaray Muqdisho.

0
537

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Air Port waxaa saakay ka soo degay odayaal dhaqameed ka socda gobolka Waqooyi Galbeed ee la baxay Somaliland, iyadoo garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku soo dhoweeyeen xubno ka tirsan Dowladda KMG ah.

Madaxda Dowladda ka tirsan ee iyagu soo dhoweeyay odayaal dhaqameedka reer Somaliland waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Gaadiidka, Badda iyo Dekedaha Md. Saciid Qoorsheel, wuxuuna sheegay in odayaasha ka socda gobolada W/Galbeed ee Somaliland ay u yimaadeen ka qeyb galka shirka odayaasha dhaqanka uga socda magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka Dowladda KMG ah Md. Saciid Qoorsheel in odayaasha reer Somaliland ay qeyb ka yihiin shirka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay ku soo xulayaan ergada ansixineysa dastuurka qabyo qoraalka ah.Dhinaca kale ka qeyb galka shirka odayaasha ee Muqdisho ka socda oo Dowladda KMG ah horay u sheegtay inay sugeyso odayaal ka socda gobolada W/Galbeed ay iminka soo xaadireen shirkaasi, iyadoo odayaashani ay ka mid noqonayaan shirweynaha odayaasha Muqdisho uga socda oo iminka xilli dheeraad ah lagu daray.

Xafiiska Warqabadka warsom.com
Muqdisho,Somaliya.