Maxaa kala Socotaa Qodobada Ka Soo baxay Shirki Odashaaya dhaqanka, iyo Bulshada rayidka ??

0
579

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Shirkii magalada Istanbul ee dalka Turkiga uga socday Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshada rayidka ah ayaa xalay fiidkii la soo gabagabeeyay, waxaana gebagebadii kulanka laga soo saaray qodobo tiro badan oo looga hadlay arrinmo kala duwan, kuwaas oo qaar ka mid ah ay quseeyeen arrimaha siyaasadda ee hadda ka taagan dalka Soomaaliya.

Shirka oo arrimihii looga hadlay ay ka mid ahaayeen arrimaha ammaanka, dowlad wanaaga, dib u heshiisiinta iyo dastuurka iyo arrimo kale ayaa waxaa warbixino soo gudbiyey 8-guddi oo laga dhexsaaray shirka, kuwaas oo uu mid kasta u soo gudbiyey qodobka loo xilsaaray iyo sida uu u arko in Soomaaliya xal loogu helo karo.

Odayaasha qaar iyo qeybaha bulshada ee shirka ka hadlay ayaa la sheegay in mararka qaar ay adeegsanayeen ereyo adag oo ka dhan ah dowlada iyo habka loo soo xulay ergada qaar, iyadoo sidoo kale warmurtiyeedka qaar ka mid ah qodobadiisa lagu kala aragti duwanaa, inkastoo la isku raacay markii dambe, waxayna qodobada la isku raacay ka mid ah kuwan:-

1. In la kordhiyo tirada Baarlamaanka, lana gaarsiiyo 275-Xildhbaan
2. In nidaamka wax qeybsiga beelaha oo ee 4.5 oo meesha laga saaro, lagana dhigo nidaamka wax qeybsiga beelaha ee ah in la sinnaado
3. In dib u heshiisin dhab ah loo qabto Soomaalida
4. In ciidamo ka socda dalalka Islaamka la keeno Soomaaliya si loogu kordhiyo kuwa AMISOM ee hadda jooga
5. In luqdda Soomaaliga oo u qeybsanta May iyo Maxaa tiri ay tahay luqda ramiga ah ee dalka
6. In dastu urka lagusaleeyo diinta Islaamka lagana saaro qodobada ka soo hojeeda diinta Islaamka, lana soo bandhiga inta aan la ansixin ka hor
7. In Dowladda KMG ay ku dhameystiro qorshaha Road map-ka waqtiga u harsan.

Gebagebadii shirka ayaa waxaa ka hadlay Ra’isul wasaaraha dowladda KMG C/weli Gaas iyo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mahiga ayaa labaduba waxay sheegeen in xilliga dowladda KMG ay hadda ka harsantahay 80-maalmood oo qur ah, loona baahanyahay in dowladdu ay waqtigaasi ku dhameyso howlaha u yaalla.

Xafiiska Warqabadka Warso.com