Madowe Nunow oo qaar ka tirsan Barlamanka U doorten Gudonka wakiilada shacabka oo baaq u diray ciidamada DKMG.

0
549


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

 

Ka dib kulan ay maanta magaalada muqdishu gaar ahaan golaha shacabka ay ku yeesheen qaar ka mida xildhibanada baarlamaanka soomaaliya garabka uu hogaaminayo Madowe Nunow Maxamed ayaa waxay kulankooda ay ka soo saaren qodabo ay ka mid yihiin in ciidamada DKMG ah ee soomaaliya ay sii wadaan dagaalada ay kula jiraan Xarakada Aalshabaab ee soomaaliya.

iyagoona sidoo kale kulankooda baaq ugu diray saraakiisha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo ay ka codsadeen in ay adkeeyaan amaanka goobaha ay dhawaan la wareegeen.

sikastaba ha ahaatee kulamada baarlamaanka qaar ka tirsan ay maanta muqdisho ku yeesheen ayaa ah mid hambalyo iyo bogaadin loogu diray Ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee dagaalada la galay Xarakada Alshabaab oo ay kala wareegen gacan ku heynta Degmada Afgooye ee G/Shabellaha Hoose.

Xifiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya