Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeedinaya shirka Golaha Ammaanka.

0
527


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu ka qeyb galo shirka Golaha ammaanka oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo shalay gaaray Magaalada New York ayaa warbixin ka siinaya Golaha ammaanka xaalada guud ee Soomaaliya iyo waxyaabihii u qabsoomay Dowladda KMG ee waqtigeeda sii dhamaanayo.Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb,Cilmi Ducaale ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif kulamo gaar gaar ah la yeelan doono Safiirada dalalka caalamka u jooga Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu la kulmo Jaaliyada Soomaaliyed ee dalka Mareykanka ku dhaqan.Kulanka Madaxweynaha ka qeyb geli doono ee ay leeyihiin Golaha Ammaanka ayaa noqonaya kii u horeeyay uu Mareykanka uga qeyb galo shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya, inkastoo horay uga qeyb galay shirarkii sanadlaha ahaa ee Qaramada Midoobey.Safarka Madaxweynaha ku aaday Mareykanka oo lagu tilmaamay mid muhiim ah ayaa ku soo aaday iyadoo xilliga KMG ee jiritaanka Dowladda uu madaxda ka yahay uu ku eg yahay bisha Agosto.

Xafiiska Warqabadka warsom.com
Muqdisho,Somaliya.