Madaxweynaha Somaliya oo Xalay u Dhofay Mareykanka

0
510

Shabakada Wararka Warsom.com

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo wafdiga madaxweynaha ay ku sii jeedaan dalka Mareykanka, halkaasi oo ay uga qeyb galaan shir ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeellanayaan arrimaha Soomaaliya.
Socdaalka Madaxweyne Shariif ee wadanka Mareykanka ayaa laba ujeeddo ku saabsan, isagoo ka qeyb gelaya shirka Golaha Ammaanka QM iyo kulan uu la yeelanayo madaxda Dowladda si ay uga wadahadlaan arrimaha Soomaaliya, isla markaana Dowladda gacan uga geysato sidii ay u kordhin lahayd gargaarkeeda kala duwan ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Dowladda KMG ah iyo ciidamada nabad ilaalinta.
Wararku waxay intaasi raacinayaan in safarka Madaxweyne Shariif ee dalka Mareykanka uu kulamo kula yeelanayo saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo madaxda qeybaha ciidamada dalkaasi, isagoona kala hadlaya sidii wadanka Soomaaliya nabadda iyo kala dambeynta loogu soo celin lahaa.
Madaxweynaha Dowladda KMG ah Soomaaliya mudadii uu ku sugnaa magaalada Kampala ee wadanka Uganda ayaa wuxuu kulamo la qaatay jaaliyadaha Soomaalida dalkaasi ku nool, gaar ahaan ardayda Soomaalida ee iyagu wax ka barta dalkaasi, isagona ku booriyay inay kordhiyaan waxbarashadooda, si berrito ay dalka wax uga qabtaan gaar ahaan dhinacyada sharciga, dowlad wanaagga iyo maamulka dowliga ah ee dalku u baahan yahay.
Muddo 48-saac ah oo Madaxweyne Shariif uu ku sugnaa wadanka Uganda kaddib ayuu xalay u soo kictimay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya si uu halkaasi uga raaco diyaarad ku socota wadanka Mareykanka, waxaana la filayaa Madaxweyne Shariif iyo wafdiga uu hoggaaminayo in saacadaha soo socda ay ka degaan magaalada NewYork ee wadanka Mareykanka halkaasi oo ay uga bilaabaneyso booqashadiisii dalka Mareykanka uga bilaabaneysa.

Xafiiska Warqabad Warsom.com
Muqdisho,somaliya