Guddoomiye ku xigiinka dhinaca amaanka iyo nabadgalyada maamulka g/banaadir warsame maxamed xasan warsame jodax oo shir jaraa’id ku qabtay muqdisho Isla Markaana shirkisa jaraaiid ugu War Bixiyay in uu wax badan kabadali doono xaalada amni daro ee kajirta G/banaadir.
Warsame Joodax Ayaa Ku Celceliyay Dadka sida sharci darada u Dagan hareeraha wadooyinka magaalad Muqdisho in ay baneeyaan sidoo kale godoomiye kuxigenka xaga nabadgalyada iyo amaanka ee maamulka G/banaadir ayaa waxa u baaq u diray ciidamada dowlada KMG Somalia in ay sugaan amaanka caasimada muqdisho.
Si kastaba ha ahate hadalkan manaata ka soo yeeray Guddoomiye ku xiginka Dhanka amaanka iyo nabadgalyada maamulka G/banaadir ayaa waxa ay imaanayaa xili magaalada muqdisho ciidamo katirsan dowlada kmg ah ee soomaaliya ay ka wadaan hoolgalo balaaran oo ay ku sheegayan in ay ku xaqiijnayaan amaanka magaalada caasimada ee muqdisho.