Goobihii Dagaalada Ka dhacayn Oo Saaka Laga dareemayo Xaalada Daganaasha ah.

0
450


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Xaaladaa Goobihii 2-badii Maalin ugu Dambeysay ey ka socdeen dagaalada ayaa saaka waxaa laga dareemayaa Xaalada Daganaan Ah,iyadoo Ciidamada Dowlada TFG-da Iyo Kuwa Amisom Ay Iminka Ku Sugan yihiin goobahani.

Wararka Naga Soo Gaaraya Wadada Isku Xirta gobalka Banaadir Iyo Gobalka Shabellaha Hoose ay tahay mid hakad galay dhaqdhaqaaqa gawaarida iyo dadka rayidka ah,
Dhanka Kale Inta la og yahay ilaa shan ruux ayaa ku dhintay madaafiic ku dhacday Lafoole, iyo madfac ku habsada gaari dad rakaab saarnaayeen, waxaana jira dhaawacyo dad rayid ahaa oo la geeyay Magaalada Muqdisho.

Xeritaanka wadadanaa ayaa waxaa loo sababeynayaa Dgaalada Ka Dhacay 2 Maalin ee La Soo Dhaafay Xili Halkaasi Ay Ku Hardamayeen Ciidamda Mujaahidiin Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamda Midowga Afrika.
Saraakiisha Dowlada Ayaa Waxay Sheegayaan in Gabi Ahaan uu Soo Afjarmay Dagaalkii ay Kula Jireey Ciidamda Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Sikastaba Ha Ahaatee Xeritaanka Wadadaan Ayaa waxa Ay Ku soo Beegmayaan Xili Dagaalada ka socanaya  Gobalka Shabellaha Hoose uu hakad galay,shacabkana ay bilaabeen in ay goobaha lagu dagaalamay ay ka soo gurtaan Agabkoodi,Degenaanshaha ka jirta wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaan aheyn degenaansho dhameystiran, iyadoo dhinacyada dagaalamaya ay ku sii qul qulayaan jiidaha dagaalka.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.