Mr Caanood Oo Saxafiyiinta Soomaaliya La Hadlayay Saaka Ayaa Shaaca Ka Qaaday in Ciidamada Dowlada TFG-da ay ku suganyihiin Waddooyin Dhawr ah oo mara gobalka shabellaha hoose.
Sidoo Kale Caanood Waxa Uu sheegay Goobaha Ay Iminka gacanta Ku Hayaan ay ka mid yihiin wadada isku xirata afgooye iyo walaweyn, iyo wadada aada kismaayo oo ah xarunta Gobalka Jubbada Hoose.
Caanood” Ujeedada Ciidamda Dowlada ay Ka Leeyihiin Gaaritaanka Wadada Isku xirta Gobalka Konfur Galbeed ay tahay in dhamaan al-shabaab aynu kawada saarno Shabeelaha Hoose Iyo Gobalada Kale oo ay Shabaab Gacanta Ku Hayaan .
Wararka ayaa waxey intaa ku darayaan in saaka Degmada afgooye ay ka socdaan baaritaano amaanka lagu xaqiijinayo, oo ay wadaan Ciidamada Polic-ka Dowlada KMG Iyo Kuwa Nabad Sugida.
Caanood”iminka ciidamadeenu waxa ay ku suganyihiin sida aan horay u sheegay waddada walaweyn,sidoo kale waddada aada kismaayana anaga ayaa joogno,waxaa kaloo jirta meelo muhiim ah ,danteena ugu weynna waa in aan gaarnaa Kismaayo Aana Ka sifeynaa Al-shabaab Gabi ahaan Gobalada ay Ka Joogaan soomaaliya.
Si Kastaba ha ahaatee Hadalkaan Ka Soo yeeray C/llaahi Cali Caanood Ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili ay xarakada al-shabaab ay ka saareen Degmada Afgooye oo dagaalo culus ay ku dhaxmareen Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya