Ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo lagu wado inay maanta gaaraan magaalada Beledweyne.

0
696


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti ay gaareen magaalada B/weyne, kuwaas oo la sheegay inay hordhac u yihiin ciidamo kale oo Jabuutiyaan ah oo lagu wado inay maanta gaaraan magalaadaasi.

Sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uul ka tirsan maamulka warfaafinta gobollka Hiiraan saraakiisha ka socda dowladda Jabuuti ee gaaray shalay magaalada Beledweyne ayaa kulamo kula qaatay magaalada mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha dowladda Itoobiya ee ku sugan magaaladaasi.

Mas’uulka ka tirsan gobolka Hiiraan waxa uu sheegay in wafdiga iyo mas’uuliyiintii ay is arkeen ay ka wada hadlleen imaashaha ciidamada dowladda Jabuuti oo lagu wado inay la wareegaan nabad-galyada magaalada oo tan iyo wixii ka danbeeyay 31-Decembar ee sanadkii hore ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Booqashada wafdiga shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa noqoneysa tii labaad, iyadoo safar kan la mid ah kol hore sidan oo kale ku soo gaareen magaalada waqtigiaas oo ay idhaindheynayeen goobihii ay degi lahaayeen ciidamada Jabuuti.

Xafiiska Warqabadka Warsom.Com
Muqdisho,Somaliya.